Wednesday, May 23rd, 2018
Advertisements
Advertisements

Cilaaqaadka Qarsoon Ee Ka Dhaxeeya Ciyaartooyda Iyo Macalimiinta Bayern Munich & Real Madrid

Published on April 25, 2018 by   ·   No Comments

Bayern Munich ayaa qasaaro kala kulmeysay kooxaha Isbaanishka afartii xilli ciyaareed ee u dambeysay, waxaana ay markale semi-finalka Champions League ay ku wajihi doonaan kooxda Real Madrid.

Kulankaan oo ah ugu caansan kubada cagta Yurub, FC Bayern München ayaa Real Madrid CF la ciyaari doonto markii 25aad – iyadoo sidookale markii todobaad ay semi-finalka Champions League isku arki doonaan.

Kooxahaan waxay ku kulmeen wareega 8da xilli ciyaareedkii hore, ,Markaasoo Madrid ay noqotay kooxdii ugu horeysay ee ku guuleysatay koobka UEFA Champions League laba jeer oo xiriir ah.

Kooxda Zinedine Zidane ayaa 2-1 ku badisay kulankii ka dhacay Munich, ka hor inta aysan 4-2 kaga badin Madrid kulankii lugta labaad.

Waa markii 8aad oo isku xiga semi-finalka UEFA Champions League Real Madrid soo gaarto, halka Bayern ay soo gaartay heerkaan afartii sanno ee ugu dambeysay.

Xiriirada qarsoon ee ciyaartoyda Iyo macalimiinta kooxahan ka dhaxeeya

Tababare Heynckes waxa uu macalin u ahaa Real Madrid xili ciyaareedkii 1997/98, isagoo hogaanka u hayay markii ay ku guuleysanayeen koobkii 7aad ee Europe, waana midkii ugub horeeyay oo ay hanteen tan iyo 1966kii.

Heynckes ayaa dhaliyey labadii gool ee West Germany kaga badiyeen Spain 24 November 1973.

James Rodriguez ayaa ku jira sannadkiisii ​​ugu dambeeyay laba xilli ciyaareed amaah ah oo uu la qaadanayo Bayern Munich.

Xiddiga reer Colombia ayaa 77 kulan u saftay Real Madrid intii u dhaxeysay 2014 iyo 2017, isagoo dhaliyay 28 gool.

Arjen Robben ayaa u ciyaaray Real Madrid intii u dhaxeysay 2007 iyo 2009, isagoo 50 kulan oo La Liga ah u saftay, waxaana uu dhaliyay 11 gool.

Toni Kroos ayaa ciyaaray 130 kulan oo Bundesliga ah Munich intii u dhaxeysay 2007 iyo 2014, isagoo dhaliyay 13 gool.

Saxiibada Spain kawada ciyaaray ee kulankaan ku lug leh:

 Javi Martinez, Athletic Club (2006-12 – W1 L13 v Real Madrid iyo Athletic Bilbao)

Juan Bernat, Valencia CF (2011-14 – D1 L2 v Madrid)

Thiago Alcádaara, FC Barcelona (2009-13 – W1 D3 L3 v Madrid)

Saaxiibada Jarmalka kawada ciyaaray ee kulankaan ku lug leh:

Dani Carvajal, Bayer 04 Leverkusen (2012/13 – W1 L2 v Bayern)

Jesús Vallejo, Eintracht Frankfurt (2016/17 – D1 v Bayern)

Borja Mayoral, VfL Wolfsburg (2016/17 – L2 v Bayern)

Saxiibada heer qaran wadaagay

Javi Martínez, Thiago Alcántara, Juan Bernat & Dani Carvajal, Nacho, Sergio Ramos, Isco, Lucas Vázquez (Spain)

Manuel Neuer, Mats Hummels, Joshua Kimmich, Jérôme Boateng, Thomas Müller & Toni Kroos (Jarmalka)

Kingsley Coman, Corentin Tolisso & Raphaël Varane, Karim Benzema (France)

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DHAGEYSO} Warka duhurnimo Ee Idaacada Hiiraanweyn Xarunteda Magaalada B/weyne

May, 23, 2018
Dhageysatayaasha  sharafta leh ee  Radio Hiranweyn ee Magaalada Baladweyne ee ku xiran Webkeena Www.Hiiraanweyn.net ama Hiranweyn.com Waxaan idin soo gudbineyna Warka ...

{DAAWO MUQAALKA} Maamulka Gobolka Iyo Shacabka oo Bilaaway Dhismaha Wadada Isku xirto Baladweyne Iyo Jeento Kundisho

May, 23, 2018
Waxaa dib loo bilaaway dayactirka wadada laami ah oo uu daadka bur buriyay wadadaas oo  isku xirto Bartamaha ...