Friday, May 25th, 2018
Advertisements
Advertisements

{DAAWO SAWIRADA} Doorashada Mid ka mid ah Kuraasta Golaha Shacabka oo ka dhacday Dhuusamareeb

Published on April 15, 2018 by   ·   No Comments

Masuuliyiinta Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in Doorashada Kursigii uu ka geeriyooday Allaha U naxariistee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin uu ku guuleystay Cabdullaahi Faarax Weheliye oo ah Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Kursigaan waxaa ku tartamayey Sadex Musharax oo kala ah Cabduulaahi Faarax Weheliye, Maxamed Cilmi Afrax iyo Cabdulle Faarax Xirsi.

Cabdullaahi Faarax Weheliye ayaa helay Codad gaaraya 28-cod, halka Maxamed Cilmi Afrax uu helay 17-cod, waxaana guddigu ay sheegeen in Musharax Cabdulle Faarax Xirsi uu helay 3-cod, iyadoo Sadex cod oo kalena ay halaabeen, sidaasina waxaa Kursiga loo tartamayey ee Golaha Shacabka ku guuleystay Cabdullaahi Faarax Weheliye.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo natiijada ku dhawaaqday ayaa sheegtay in Doorashadu ay u dhacday sidii loogu talo galay, islamarkaana dadkii ka qeyb galay ku amaantay hanaanka ay u ilaaliyeen shuruucda Doorashada.

Musharax Cabdullaahi Faarax Weheliye oo doorashada ku guuleystay ayaa uga mahad celiyey Guddiga sida wanaagsan ee Doorashada loo maamulay, waxaana ku bogaadiyey Musharaxiintii la tartamay sida ay u aqbaleen Natiijada.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kahadlay Munaasabadda ayaa marka hore ku amaanay Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Howsha ay qabteen, waxaana uu u hambalyeeyey Musharaxa guuleystay oo uu ku sheegay inuu yahay Xildhibaankii ugu horeeyey ee Golaha Shacabka katirsan ee lagu doortay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Qarax Dhimasho iyo Dhaawac geystay oo ka dhacay BMagaalada Benghazi.

May, 25, 2018
Ugu yaraan 7 qof ayaa dhimatay, 25 kalane wey dhaawacmeen kadib gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu ...

Kulan looga hadlayay amniga oo ka dhacay degmada Qansax-dheere

May, 25, 2018
Guddoomiyaha degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay Aadan Cabdi Qooqane ayaa waxa uu Idaacadda hiranweyn uga waramay kulan looga ...