{DAAWO SAWIRADA} Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Oo Manta Xilka La Wareegay

0
61

Madasha xil wareejinta Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan waxaa ka sugnaa Wasiiro xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle gudoomiyaha Cusub ee Gobolka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada maagaalada waxaana Goobta ka maqnaa Gudoomiyaha Xilka laga qaaday Cali Jeeyte Cismaan

Qaar kamid ah marti sharafkii ka qeeyb galay Munaasabada ayaa soo dhaweyey gudoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan waxaana ay ugu baaqeeyn in uu la yimaado wax qabad la taaban karo

Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Cabdulaahi Axmed Maalin Sufuroow ayaa shacabka Gobolka ka codsaday in ay la shaqeeyaan Maamulkiisa sidoo kalena waxa uu tilmaamay in Maamulkiisa ay muhiimada koobad siin doono Arimaha Dib uheshiisenta Gobolka

Wasiirka Arimaha Gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa sheegey in Manta laga bilaabo maamulka Hirshabeelle uu arimaha gobolka wax ka weydiin doono Gudoomiyaha Cusub waxaana ugu baaqay shacabka iyo mamulka Gobolka Iyo Ciidamada in ay la shaqeeyaan Gudoomiyaha Cusub

13 kii bishan ayey aheeyd markii wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Hirshabeelle xilka looga qaaday Gudoomiyahii Hore ee Gobolka Hiiraan cali Jeeyte Cismaan

SAWIR QAADE CABDI AXMED XUSEEN 

BY RADIO HIIRAANWEYN BALADWEYNE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here