Monday, April 23rd, 2018
Advertisements
Advertisements

EPL: Kooxda Newcastle United oo guul soo laabasho ah ka gaartay Arsenal oo marti u ahayd kulan ka tirsan Premier League

Published on April 15, 2018 by   ·   No Comments

Kooxda kubadda cagta Newcastle United ayaa ka soo laabatay gool looga hormaray waxaana ay 2-1 uga adkaatay naadiga Arsenal kulan ka tirsan horyaalka Premier League oo goordhow ku soo dhammaaday garoonka St James’ Park.

Alexandre Lacazette ayaa Gunners hoggaanka u dhiibay 14’daqiiqo qeybtii hore ee ciyaarta kaddib caawin uu ka helay saaxiibkiisa Pierre-Emerick Aubameyang, laakiin Ayoze Perez oo ka tirsan Newcastle ayaa ka barbareeyey goolkaas, isla qeybtii hore ee ciyaarta.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta naadiga Magpies lagu naanayso ayaa goolka guusha la timid waxaana u dhaliyey 68’daqiiqo Matt Ritchie kaddib caawin uu ka helay Ayoze Perez kulanka ayaana ku soo dhammaaday 2-1 looga adkaaday Gunners.

Newcastle oo guul gaartay afartii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka Premier League ayaa guushaas waxa ay uga dhigan tahay inay gacanta ku dhigtay 41-dhibcood, waxaana ay si cad iga sarreysaa 13-dhibcood booska loogu laabto heerka labaad.

Dhinaca kale Arsenal ayaa iska sii fadhin doonta kaalinta lixaad ee kala horreynta horyaalka Premier League, iyadoo qaab ciyaareed liita soo bandhigaysa marka ay booqanayso horyaalka garoomada kale.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Taliyaha ciidamada xoogga dalka oo sheegay in la qabtay Askar doonayay in ay agab kala baxaan xerada Jen Gordan

April, 23, 2018
Cabdiwali Jaamac Xuseen Gorod Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay askartii ka ...

{DAAWO SAWIRADA} Koox maafiyo ah oo Soomaaliya hub qarsoodi ah geysay oo lagu xukumay Mareykanka

April, 23, 2018
Nonamkan oo lagu kala magacaabo Joseph Hunter, Adam Samia, Carl Stillwell iyo kaabohooda Paul Le Roux ayaa waxaa lasoo ...