Thursday, May 24th, 2018
Advertisements
Advertisements

Faah faahin dagaal culus oo ka dhacay degaanka Qooqaani

Published on April 17, 2018 by   ·   No Comments
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada Jubbaland iyo kuwa Shabaab, kaasi oo ka dhacay degaanka Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose.
Dagaalka ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii Shabaab ay weerareen Saldhiga ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ay ka ku leeyihiin  degaanka Qooqaani.
Saraakiisha ciidamada Jubbaland, ayaa sheegay dagaalkaasi inay si adag isaga caabiyeen ciidamada Jubbaland, maadaama dagaalka uu ahaa mid Xooggan oo Shabaab ay soo qaadeen.
Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la isku adeegsaday dagaalka, inkastoo aanan la ogaan karin khasaaraha dhabta ah ee dagaalkaasi ka dhashay, haddana dhinacyadii dagaalamay mid kasta guulo ayuu sheeganayaa.
Al Shabaab ayaa sheegtay in ay la wareegeen degaankaasi, islamarkaana meel Fagaaro ah ay kula hadleen Shacabka kunool degaankaasi.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Faah Faahin Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Puntland oo goor dhaw lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

May, 23, 2018
Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya degmada Gaalkacyo ayaa sheegaya in rag hubeysan goor dhaw halkaa ku ...

Wasaaradda amniga oo Faah faahin kabixisay rag maanta lagu toogtay Muqdisho

May, 23, 2018
Wasaaradda amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay laba dhalinyaro ah oo maanta ciidanka ...