Monday, April 23rd, 2018
Advertisements
Advertisements

Faaqidaada kulanka xiisaha leh Ee Manchester United vs West Bromwich Albion – United Oo Isha Ku Heysa Booska Labaad

Published on April 15, 2018 by   ·   No Comments

West Bromwich Albion ayaa ah kooxda ugu hooseysa Premier League waxaana ay xaqiijin doonaan inay ka hareen horyaalka heerka koowaad haddii ay guuldarro kala kulmaan kooxda Manchester United.

Ciyaarta Old Trafford, waxay go’aamin doontaa nolosha West Bromwich Albion kaga sii mid ahana karto kooxaha heerka sarre ee Eng,and .

Kooxda Jose Mourinho ayaa dooneysa inay ku dhameysato kaalinta labaaad ee kala sareynta Premier League.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Old Trafford

SAACADA: 6:00 PM

MAXAA CUSUB?

Inkastoo Pogba uu qaab ciyaareed sarre muujiyay kulankii City, Mourinho ayaa khadka dhaxe kula soo bilaabi kara Ander Herrera kulanka caawa.

Anthony Martial iyo Marcus Rashford ayaa labadoodaba heli doona fursad ay ku ciyaaraan, halka Juan Mata ,Jesse Lingard iyo Lukaku kusoo wada bilaaban karaan.

Daafacyada Phil Jones iyo Daley Blind ayaan weli diyaar u aheyn kulankaan, halka daaficii hore ee United Jonny Evans shaki weyn la gelinayo kulankaan.

Kulanka Old Trafford waxaa kusoo laaaban doona kooxda martida ah Grzegorz Krychowiak iyo weeraryahanka Rodriguez.

XAQIIQADA KULANKA

West Brom ayaa badisay seddex ka mid ah sagaalkoodii kulan ee ay wajahday United waqtigii Ferguson, labo ka mid ah guulahaan ayaa ku yimid Old Trafford.

Lingard iyo Lukaku ayaa badbaadiyay Red Devils oo 2-1 ku garaacday kooxda ka dhisan Midlands ka hor Christmas, waxaana ay doonayaan inay Albion garaacaan laba kulan oo xiriir ah tan iyo xilli ciyaareedkii 2011-12.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Man United:De Gea; Valencia, Bailly, Smalling, Young; Matic, Pogba; Sanchez, Lingard, Mata; Lukaku

West Brom:Foster; Nyom, Dawson, Hegazi, Gibbs; McClean, Brunt, Livermore, Krychowiak, Rodriguez; Rondon

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Taliyaha ciidamada xoogga dalka oo sheegay in la qabtay Askar doonayay in ay agab kala baxaan xerada Jen Gordan

April, 23, 2018
Cabdiwali Jaamac Xuseen Gorod Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay askartii ka ...

{DAAWO SAWIRADA} Koox maafiyo ah oo Soomaaliya hub qarsoodi ah geysay oo lagu xukumay Mareykanka

April, 23, 2018
Nonamkan oo lagu kala magacaabo Joseph Hunter, Adam Samia, Carl Stillwell iyo kaabohooda Paul Le Roux ayaa waxaa lasoo ...