Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Newcastle vs Arsenal – Gunners Oo Isha Ku Heysa Guushii Afaraad Oo Xiriir Ah

0
37

Kooxda semi-finalka Europa League taagan ee Arsenal ayaa rajeyneysa inay gaarto guushii afaraad oo xiriir ah Premier League marka ay galabta u safrayaan Newcastle United.

Si kastaba ha noqotee, Newcastle waxay seddex guul oo isku xigta gareen saddexdii kulan ee ugu dambeeyay, waxaana ay haatan fadhiyaan booska 10aad ee Premier League.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Emirates Stadium

SAACADA: 3:30 PM

MAXAA CUSUB?

Tababare Benitez ayaa heysta koox buuxda oo taam ah oo uu dooran karo marka uu soo dhaweynayo galabta Arsenal, inkastoo Islam Slimani uu diyaar u yahay markii ugu horeysay uu u ciyaaro kooxdiisa cusub.

Iyadoo Ayoze Perez uu shabaqa soo taabtay mid ka mid ah labadii kulan ee ugu dambeysay, haddana Dwight Gayle ayay u badan tahay inuu fariisto kursiga keydka.

Wenger ayaa laga yaabaa inuu mar kale isbedelo ku sameeyo shaxdiisii 3-2 kaga badisay Southampton.

Wilshere iyo Aaron Ramsey ayaa labadoodaba ku jira xaalad wanaagsan, sidaas darteed Mohamed Elneny ayaa laga yaabaa inuu ku soo bilowdo kadib markii laga cafiyay kaarka cas oo loo taagay kulankii Saints.

Granit Xhaka ayaa sidoo kale laga yaabaa in dib loogu yeero shaxda ka dib markii uu maqnaa safarkii Moscow.

XAQIIQADA KULANKA

Arsenal ayaa badisay dhamaan 10kii kulan ee ugu dambeyay oo ay la ciyaartay Newcastle, inkastoo seddexdii kulan ee ugu dambeysay min 1-0 ku badiyeen.

Kulankii ugu dambeeyay ee dhacay bishii December Mesut Ozil ayaa Gunners u dhaliyay goolka guusha kulan ka dhacay Emirates Stadium.

Xuusta labadaan koox ayaa ah markii ay galeen barbaro min afar gool sannadkii 2011, ciyaar lagu xasuusan doono ninkii geeriyooday ee Tiote.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Newcastle:Dubravka; Yedlin, Lejeune, Lascelles, Dummett; Ritchie, Diame, Shelvey, Kenedy; Perez, Gayle

Arsenal:Cech; Bellerin, Koscielny, Mustafi, Kolasinac; Elneny, Xhaka; Iwobi, Ozil, Welbeck; Aubameyang

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here