Fred, Jorginho, Weigl Iyo Ciyaartooyda Kale Ee Manchester City Lagu Xoojinayo Xili Ciyaaareedka Cusub

0
7

Pep Guardiola ayaa suuqa ku qarsha gareyn doona lacag dhan £ 200million xagaagan si uu u difaacdo horyaalka Premier League xili ciyaareedka soo aadan.

Guardiola ayaa u baahan inuu lasoo wareego ugu yaraan seddex ciyaaryahan oo cusub xagaagan, si ay City taariikh ugu dhigto horyaalka England, islamarkaana ay ugu guuleysato tartanka Champions League.

Tababaraha Sky Blues Guardiola oo hore 448 milyan oo ginni suuqa ku qarsh gareeyay labadii xilli ciyaareed ee uu macalin u ahaa Manchester City , ayaa haatan doonaya inuu qiimahaas gaarsiiyo £ 650m xagaagan.

Guardiola ayaa bartilmaameed ka dhiganaya saxiixa daafaca dhexe, isagoo sidookale u baahan khadka dhexe iyo weeraryahan kale.

City ayaa durbaba soo bandhigtay dhowr magac oo bartilmaameed u ah inay soo xero galiso ka hor Koobka Adduunka.

Xiddiga Shakhtar Donetsk Fred, ciyaaryahanka Napoli Jorginho, khadka dhaxe ee Nice Jean-Michel Seri iyo kubad sameeyahah Borussia Dortmund Julian ayaa dhamaan bartilmaameed u ah Manchester City.

Guardiola ayaa taa bedelkeeda doonaya inuu kooxdiisa ka diro Yaya Toure iyo Fernandinho, maadaama labada ciyaryahan da’dooda sarre u kacday.

Guardiola ayaa sidoo kale isha ku haya ciyaaryahanka Monaco ee lagu qiimeeyo 90 milyan ee ginni Thomas Lemar, halka City ay dib 60 milyan oo ginni markale u bandhigi karto xiddiga garabka kaga ciyaara kooxda Leicester Riyad Mahrez.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here