Wednesday, May 23rd, 2018
Advertisements
Advertisements

Hordhaca: Bayern Munich vs Real Madrid – Los Blancos Oo Rikoor Fiican Ka Heysata Kooxda Reer Jarmal

Published on April 25, 2018 by   ·   No Comments

Bayern Munich ayaa ku martigelin doonta Real Madrid garoonka Allianz Arena lugta koowaad ee semi-finalka Champions League, iyadoo macalin Jupp Heynckes uu raadinayo koobkiisii seddexaad ee Yurub isagoo tababare ah.

Zinedine Zidane ayaa doonaya inuu isna hanto markii seddexaad oo xiriir ah tartankaan kadib markii Juventus ay kusoo reebeen quarter-finals tartankaan.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Allianz Arena  

SAACADA: 9:45 PM

MAXAA CUSUB?

Tababare Heynckes ayaa ku faraxsan soo labashada Lewandowski, halka Franck Ribery, Thomas Muller iyo Javi Martinez ay dhamaantood ku soo laaban doonaan khadka dhexe.

David Alaba, Mats Hummels iyo Joshua Kimmich ayaa dhamaantood ku soo laabanaya daafaca kooxda Bavarians.

Kingsley Coman, Arturo Vidal iyo Manuel Neuer ayaa weli dhaawac kaga maqan kooxda Batern Munich.

Real Madrid ma qabto dhaawacyo cusub, iyadoo Sergio Ramos uu kusoo laaban doono daafaca dhaxe ka dib markii uu seegay kulankii labaad ee Juventus.

Karim Benzema iyo Gareth Bale ayaa booska weerarka kula dagaalami doona Isco iyo Marco Asensio, halka Nacho uu weli la maqan yahay dhaawac.

XAQIIQADA KULANKA

Tani waxay noqon doontaa ciyaartii seddexaad ee labada koox ku kulmaan tan iyo 2011/12 Bayern, iyadoo kooxda Real Madrid guulo badan ka gaartay Bayern Munich.

Bayern Munich ayaa laga badiyay shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaartay Real Madrid tartanka Champions League.

Zidane ayaa laga badiyay kaliya hal kulan oo ka mid ah lixdii kulan ee Champions League uu kaga horyimid Bayern isagoo ciyaaryahan iyo tababare ah.

Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay ugu yaraan hal gool 11kii kulan ee ugu dambeeyay Champions League.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Bayern Munich: Ulreich; Kimmich, Boateng, Hummels, Alaba; Rodriguez, Martinez, Alcantara; Muller, Lewandowski, Ribery

 Real Madrid:Navas; Carvajal, Varane, Ramos, Marcelo; Modric, Casemiro, Kroos; Isco; Benzema, Ronaldo

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DHAGEYSO} Warka duhurnimo Ee Idaacada Hiiraanweyn Xarunteda Magaalada B/weyne

May, 23, 2018
Dhageysatayaasha  sharafta leh ee  Radio Hiranweyn ee Magaalada Baladweyne ee ku xiran Webkeena Www.Hiiraanweyn.net ama Hiranweyn.com Waxaan idin soo gudbineyna Warka ...

{DAAWO MUQAALKA} Maamulka Gobolka Iyo Shacabka oo Bilaaway Dhismaha Wadada Isku xirto Baladweyne Iyo Jeento Kundisho

May, 23, 2018
Waxaa dib loo bilaaway dayactirka wadada laami ah oo uu daadka bur buriyay wadadaas oo  isku xirto Bartamaha ...