Wednesday, May 23rd, 2018
Advertisements
Advertisements

Hordhaca: Real Madrid vs Athletic Bilbao- Los Blancos Oo Hami Ka Leh Booska Labaad Ee La Liga

Published on April 18, 2018 by   ·   No Comments

Real Madrid ayaa isha ku heysa inay u dagaalanto kaalmaha sarre ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan, iyadoo soo dhaweyneysa kooxda kaalinta 14aad ee Athletic Bilbao.

Iyadoo lix kulan oo kaliya uu ka harsan yahay xilli ciyaareedkan, kooxda kaalinta 3aad ee Los Blancos ayaa dooneysa inay kula dagaalanto kalainta labaad ee Atletico Madrid.

Guul ay ka gaarto kulanka caawa kooxda Zinedine Zidane waxay dhibic  ujirsan doonaa kooxda kaalinta labaad ee Los Colchoneros.

kooxda kaalinta 14aad ayaa barbaro goolal la’aan ah ku celisay San Mamés Stadium Real Madrid ciyaar dhacday bishii December ee sannadkii hore.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Santiago Bernabeu

SAACADA: 10:30 PM

MAXAA CUSUB?

Real Madrid ayaa waxaa ka maqnaan doona daafaca dambeedka dhexe ee Nacho kaas oo weli ka soo kabsanaya dhaawac muruqa ah.

Tababare Zidane waxa uu heystaa saf xoogan oo uu xulan karo kulanka uu soo dhaweynayo caawa kooxda Athletic Bilbao.

Dhinaca kale Athletic Bilbao ayaan qabin wax dhaawacyo ah ka hor kulanka ay usafrayaan caasimada Spain.

XAQIIQADA KULANKA

Bilbao ayaa ka mid ah seddex kooxood oo Spain ah oo aan marnaba u dhicin heerka labaad ee horyaalka, Real Madrid iyo Barcelona waa labada koox kale.

Sidaasi darteed, labada koox ayaa 179 jeer isku wajahay horyaalka La Lig, Real ayaa badisay 89 kulan halka laga badiyay 51.

Tan iyo markii ay labada kooxood wada ciyaareen xilli ciyaareedkii 2004/05, Bilbao ayaa ku guuleysatey inay garaacdo The Whites kaliya labo jeer oo lagu ciyaaray garoonka San Mamés Stadium ee gobolka Basque ku yaala.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Real Madrid: Navas, Marcelo, Ramos, Vallejo, Hernandez, Casemiro, Kovacic, Asensio, Isco, Vasquez, Benzema.

Athletic Bilbao: Arrizabalaga, Balenziaga, Martinez, Etxeita, Oscar de Marcos, Benat, Mikel San Jose, Cordoba, Garcia, Susaeta, Williams.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DHAGEYSO} Warka duhurnimo Ee Idaacada Hiiraanweyn Xarunteda Magaalada B/weyne

May, 23, 2018
Dhageysatayaasha  sharafta leh ee  Radio Hiranweyn ee Magaalada Baladweyne ee ku xiran Webkeena Www.Hiiraanweyn.net ama Hiranweyn.com Waxaan idin soo gudbineyna Warka ...

{DAAWO MUQAALKA} Maamulka Gobolka Iyo Shacabka oo Bilaaway Dhismaha Wadada Isku xirto Baladweyne Iyo Jeento Kundisho

May, 23, 2018
Waxaa dib loo bilaaway dayactirka wadada laami ah oo uu daadka bur buriyay wadadaas oo  isku xirto Bartamaha ...