Friday, May 25th, 2018
Advertisements
Advertisements

Inuu CR7 Yahay Mashiin, Xusuusaha Uu Ka Heysto Kulamada Uu Wajahay & Jerome Boateng Oo Ka Hadlay Dareenkiisa Kulanka Real Madrid.

Published on April 24, 2018 by   ·   No Comments

Real Madrid iyo Bayern Munich ayaa habeen dambe ku kulmi doona garoonka Allianz Arena ee gobolka Bavaria – lugta hore wareega Semi Final-ka koobka Champions League iyadoo ay jirto walaac badan oo ay wiilasha Jupp Henckess ka qabaan Ronaldo oo marka la joogo heerarkaan si fiican u shaqeeya.

Daafaca reer Jarmal ee Jerome Boateng ayaa ku tilmaamay Ronaldo inuu yahay xidig aan sinaba loo celin karin isagoo siiyay sifada ah inuu yahay weeraryahan kubada dhameystira midka ugu fiican waqtigaan.

Jupp Heynckes oo shaqada Bayern Munich si kumeel gaar ah u haya, hadda ka horna ka reebay Madrid tartanka ayaa u sheegay dhamaan xidigahiisa iney kaiya diiradda saaraan waxa ku saabsan kulanka.

“Ronaldo waa sida Mashiin, wuxuu ku dhameystiraa lugta midig, lugti bidix iyo sidoo kale madaxa, meel walba wuu ku wacan yahay” ayuu yiri Boateng oo la hadlayay majaladda Kicker.

“Ma jiro ciyaariyahan weerarka ka ciyaara oo u dhameystiran sida Ronaldo”

“Si dhameystiran uma ilaalin kartid, mar walba wuxuu si fiican u maamulaa fursadaha uu helo intuu kulanka ku jiro”

Dhinaca kale Jerome Boateng wuxuu ka hadlay xusuusaha uu ka heysto kulamada uu wajahay Ronaldo koox iyo qaranba.

“Waxaan ka heystaa khibrad dhibaato leh iyo mid fiican inaan isaga wajaho” ayuu yiri.

“Waxaan ku wajahay qaranka markaas oo aan aamusiyay, waxaan markaas 4-0 kaga badinay qarankiisa koobkii Aduunka 2014”

“Markaan ku kulanay Bayern, waxaan hal jeer reebnay Madrid, laba jeerna wey na reebeen”

Ugu dambeyntii Boateng wuxuu ka hadlay sida ay u dhib badan tahay in Ronaldo laga celiyo shabaqa ama la xakameeyo dhaq-dhaqaaqiisa.

“Hadii aad kulanka banaanka uga saarto, waxaad wali qabatay kaliya 50% shaqadaada” ayuu yiri Boateng.

“Sababtoo ah dhamaan ciyaartoyda kale ee Madrid ayaa ah kuwa wanaagsan”

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Qarax Dhimasho iyo Dhaawac geystay oo ka dhacay BMagaalada Benghazi.

May, 25, 2018
Ugu yaraan 7 qof ayaa dhimatay, 25 kalane wey dhaawacmeen kadib gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu ...

Kulan looga hadlayay amniga oo ka dhacay degmada Qansax-dheere

May, 25, 2018
Guddoomiyaha degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay Aadan Cabdi Qooqane ayaa waxa uu Idaacadda hiranweyn uga waramay kulan looga ...