Iraa’iil oo burburisay godkii ugu dheeraa oo ay qodeen ururka Xamaas

0
12

.

Israa’iil ayaa sheegatay in Milatarigeeda uu burburiyay waddo weyn oo ay dhulka hoostiisa ka qodeen dagaalyannahada falastiin taas oo gaartay gudaha Israa’iil.

Wasiirka difaaca ee Israa’iil Avigdor Lieberman ayaa sheegay in waddani ay ahayd tii ugu dheerayd oo ay israa’iil ogaato.

Afahayeen u hadlay milatariga ayaa sheegay in waddadaan la qodayay tan iyo 2014-kii ee digaalka Gaza.

Israa’iil ayaa burburisay 30 waddo oo laga qoday dhulka hoostiisa kuwaasi oo ay ku sheegen in looga gol lahaa in weerarro looga qaado Israa’iil.

Israa’iil ayaa isticmaaleysay tallaabooyin hormarsan oo ay ku burburineysay waddooyinka ay qodaan dagaalyahannada falastiin.

Afhayeenka milatariga israa’iil Lt Col Jonathan Conricus ayaa sheegay in waddadaan ay qodeen ururka Xamaas waxa ayna ka bilaabeen aggagaarka Jabaliya oo ku taallo waqooyiga Gaza.

Waxa uu intaasi ku daray in waddada ay gudaha u gashay israa’iil qaas ahaan Nahal Oz, balse weli uma aysan sameyn meel laga baxo.

Israa’iil ayaa burburisay waddada dhamaadka toddobaadkan, sida laga soo xigtay milatariga. “Waxa aan godka ka buuxinay waxyaabo adag oo ka hor istaagayo in la isticmaalo,” ayuu Mr Conricus yiri.

Waa godkii shanaad ee laga burburiyo Gaza bilihii ugu dambeeyay.

Tan iyo sanadkii hore, Israa’iil ayaa isticmaaleysay qalab qaas ah oo lagu ogaanayo godadka.

XIGASHO BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here