Monday, April 23rd, 2018
Advertisements
Advertisements

Jamaahiirta Liverpool Oo Loogu Codeeyay Taageerayaasha Ugu Fiican Premier League Ee Kulamada Minan Iyo Martiba

Published on April 14, 2018 by   ·   No Comments

Codbixin laga qaaday in ka badan afar kun taageerayaasha kooxaha heerka koowaad ee Ingariiska ayay ugu codeeyeen Liverpool kooxda ugu taageerayaasha fiican Premier League ee kulamada minan iyo martiba.

Ra’iyi uruurintaan ay sameysay hilinka Sky Sports ayaa inta badan taageerayaasha waxa ay sheegeen in Reds ay tahay kooxda ugu sawaxanka dheer kulamada ay ku ciyaaraan Anfield iyo kuwa ay martida yihiinba.

Sida ku cad natiijada codbixinta kooxda Jurgen Klopp ayaa u sarre martay liiskaan iyadoo ay ku soo xigeen Newcastle iyo Crystal Palace oo iyagana leh taageerayaasha ugu sawaxanka dheer kulamada martida loo yahay.

Kaalinta afaraad waxaa ku jirta kooxda ay Liverpool ay xafiiltamaan ee Manchester United halka kooxda Stoke City ay soo gashay kaalinta shanaad.

Si la mid ah heesta Anfield laga qaado ee ‘You’ll Never Walk Alone’ ayaa waxa ay ka guuleysatay heesta West Ham ee ‘I’m Forever Blowing Bubbles’ iyo tan Stoke City ee ‘Delilah’iyadoo ay noqotay heesta loogu jecel yahay Premier League.

Liverpool ayaa sidoo kale kaalinta koowaad ka gashay taageerayaasha ugu sawaxanka dheer kulamada ay martida yihiin iyadoo Newcastle ay noqdeen kaalinta labaad halka United, West Ham iyo Stoke ay dhameystireen shanta kooxood ee ugu fiican taageerayaasha martida Premier League.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Taliyaha ciidamada xoogga dalka oo sheegay in la qabtay Askar doonayay in ay agab kala baxaan xerada Jen Gordan

April, 23, 2018
Cabdiwali Jaamac Xuseen Gorod Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay askartii ka ...

{DAAWO SAWIRADA} Koox maafiyo ah oo Soomaaliya hub qarsoodi ah geysay oo lagu xukumay Mareykanka

April, 23, 2018
Nonamkan oo lagu kala magacaabo Joseph Hunter, Adam Samia, Carl Stillwell iyo kaabohooda Paul Le Roux ayaa waxaa lasoo ...