Friday, May 25th, 2018
Advertisements
Advertisements

James Comey: “Trump anshax madaxweyne malaha”

Published on April 16, 2018 by   ·   No Comments

Agaasimihii hore ee hay’adda dambibaarista Maraykanka ee FBI James Comey ayaa sheegay “in Trump uusan lahayn anshax madaxweyne”, uuna dumarka ula dhaqmo “sidii cadad hilib ah”

Comey ayaa hadalkaas ka sheegay waraysigiisii u horreeyay ee uu telefishin wayn siiyo tan iyo markii uu madaxweyne Trump shaqada ka eryay sannadkii hore.

Telefishinka ABC News ayuu u sheegay in Trump uu si joogto ah been u sheego, lagana yaabo in uu carqaladeeyay caddaaladda.

Saaco ka dib markii uu waraysigaasi baxay, madaxweyne Trump ayaa weerar rogaal celis ah soo qaaday isaga oo Comey ku eedeeyay “in uu been badan sheegay”.

“Igama gadmayso in la dhoho maskaxiyan ayuu u liitaa Trump ama waxaa si sahlan u haya xannuunka asaasaqa” ayuu Comey u sheegay barnaamijka 20/20 ee telefishinka ABC.

“Ilama aha in uu qabo xannuun dhanka jirka ah oo madaxweynenimada ka hor istaagi, balse ma laha anshax madaxweyne”.

“Waxaa waajib ah in madaxweyneheenu uu astaaan u noqdo ixtiraaamka uuna raaco qiyamka aasaaska u ah dalka. Arrintaasna waxaa ugu muhiimsan runta. Madaxweynahanna arrintaas ma awoodo.” Ayuu Comey hadalka ku sii daray

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Qarax Dhimasho iyo Dhaawac geystay oo ka dhacay BMagaalada Benghazi.

May, 25, 2018
Ugu yaraan 7 qof ayaa dhimatay, 25 kalane wey dhaawacmeen kadib gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu ...

Kulan looga hadlayay amniga oo ka dhacay degmada Qansax-dheere

May, 25, 2018
Guddoomiyaha degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay Aadan Cabdi Qooqane ayaa waxa uu Idaacadda hiranweyn uga waramay kulan looga ...