James Milner Oo Jabiyay Rikoorka Caawinta Champions League & Liiska Ciyaartooyda Ugu Caawinta Badan Tartankaan

0
19

James Milner ayaa dhigay rikoor cusub oo caawinta ah tartanka Champions League xili ciyaareedkaan.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Liverpool James Milner ayaa haatan ah ciyaaryahanka ugu badan ee gool caawiya tartanka Champions League hal xili ciyaareed.

Xiddiga Reds ayaa loo diiwaan galiyay 9 caawin, ka dib markii uu ka shaqeeyay daqiiqadii 68-aad goolka Roberto Firmino kulankii lugta hore ee semi-finalka Chamions League Reds 5-2 kaga badiyeeen Roma.

Milner ayaa haatan dhaafay rikoorka caawinta Wayne Rooney iyo Neymar kuwaasoo min sideed caawin sameeyay hal xili ciyaareed.

Rikoorka caawinta hal xili tartanka Champions League

9 James Milner (Liverpool),  Xili Ciyaareedkii 2017/18

8= Wayne Rooney (Manchester United), Xili Ciyaareedkii 2013/14

8= Neymar (Barcelona), Xili Ciyaareedkii 2016/17

7= Roberto Firmino (Liverpool), Xili Ciyaareedkii 207/18

7= Ryan Giggs (Manchester United), Xili Ciyaareedkii 2006/07

7= Zlatan Ibrahimović (Paris Saint-Germain), Xili Ciyaareedkii 2012/13

7= Xavi Hernández (Barcelona), Xili Ciyaareedkii 2008/09

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here