Monday, April 23rd, 2018
Advertisements
Advertisements

LA LIGA: Barcelona oo guul ka gaartay Valencia rikoor cusubna u dhigtay taariikhda kubadda cagta Spain… + SAWIRRO

Published on April 14, 2018 by   ·   No Comments

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa 2-1 uga adkaatay naadiga Valencia oo marti u ahayd kulan ka tirsan horyaalka La Liga, waxaana Barca ay taariikh u dhigtay kubadda cagta Spain.

Ciyaartan oo ka dhacday garoonka Camp Nou ee Magaalada Barcelona ayaa Valencia goolka hore looga naxsaday 15’daqiiqo waxaa ugu shubay Luis Suarez.

Weeraryahanka reer Uruguay ee Luis Suarez ayaa baas uu ka helay saaxiibkiis Philippe Coutinho dacal ka galiyey goosha Valencia.

Inkastoo fursado dhowr ah laga beeniyey wiilasha Valencia si la mid ahna Barcelona ay iska lumisay fursado ay ugu yaraan gool kale ku dhalin kartay ayaa hadda waxaa lagu kala nastay 1-0 ay ciyaarta ku hoggaaminaysay Barca.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay Barcelona ayaa hoggaanka sii dheereysatay waxaana 51’daqiiqo goolka labaad u dhaliyey Samuel Umtiti.

Goolka labaad ee Barcelona ayaa ahaa madax uu u dhaliyey Samuel Umtiti, iyadoo uu ka faa’iideystay karoos uu koorno ka soo qaaday Philippe Coutinho, xiddiga reer Brazil ayaana caawintiisii labaad sameeyey kulankan Barcelona ayaana hoggaanka ku qabatay 2-0.

Valencia ayaa iska soo guday hal gool, waxaana uu ahaa rigoore loo dhigay oo ay gool u rogeen dhammaadkii ciyaarta, iyadoo gool ku laad kaas uu Valencia u dhaliyey 87’daqiiqo Daniel Parejo, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 2-1 ay ku badisay Barca oo Beydkeeda joogtay.

Barcelona ayaa taariikh cusub u dhigtay kubadda cagta Spain, maadaama aan Catalans marnaba dhinaceeda dhulka la dhigin 39-kulan ee ugu dambeeyay horyaalka La Liga, waxaana maanta Barca ay rikoor cusub u dhigtay horyaalka Spain iyadoo noqotay kooxdii ugu horreysay ee guuldarro la’aan ah ama aan laga adkaan 39 kulan oo La Liga ah.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Taliyaha ciidamada xoogga dalka oo sheegay in la qabtay Askar doonayay in ay agab kala baxaan xerada Jen Gordan

April, 23, 2018
Cabdiwali Jaamac Xuseen Gorod Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay askartii ka ...

{DAAWO SAWIRADA} Koox maafiyo ah oo Soomaaliya hub qarsoodi ah geysay oo lagu xukumay Mareykanka

April, 23, 2018
Nonamkan oo lagu kala magacaabo Joseph Hunter, Adam Samia, Carl Stillwell iyo kaabohooda Paul Le Roux ayaa waxaa lasoo ...