Liiska Xiddigaha Ku Loolami Doona Cayaaryahanka Sanadka Ee Premier League Oo La Soo Saaray

0
56

Kevin De Bruyne and Mohamed Salah ayaa lagu wadaa in ay ku loolamaan abaalmarinta PFA Player Of The Year kaddib markii lagu soo daray lix laacib ee u sharraxan.

Xiddigaha Manchester City iyo Liverpool waxaa masraxa ku wehelin doona Harry Kane, Leroy Sane, David De Gea iyo  David Silva.

Xiddigaha waa weynaa ee liiska laga waayey waxaa ka mid ah Eden Hazard, Roberto Firmino iyo Raheem Sterling

Ciyaaryahanada waxa ay codkooda ku buuxin doonaan foom iyaga oo jooga xarumohooda tababarka waxaana ka qaadi doona mataleyaal ka socda PFA.

Uma codeyn karaa cayaaryahan ay koox hadda ka wada tirsan yihiin , kaliya waxaa loo ogol yahay in ay mid ka doortaan 92 kooxood oo horyaal ka ciyara oo ay ka soo sarayaan cayaaryahanka raga iyo dumarka.

D Bruyne iyo Salah ayaa ugu cad cad kaddib N’Golo Kante   oo sanadkii hore ku guuleystay.

De Bruyne waxa uu 7 gool u dhaliyey City, 15 wuu caawiyey 32 kulan oo uu xilli ciyaareedkan u saftay Manchester City.

Waxaa si weyn ula tartamaya Salah oo 29 gool ku hoggaaminaya horyaalka hadda.

Harry Kane waxa uu afar gool ka hooseeyaa Salah.

Liiskaas waxa uu ka dhigan yahay in Kane iyo Salah ay ku wada guuleysan karaan PFA Player Of The Year Award iyo Golden Boot-ka.

Kevin De Bruyne waxaa ku wehelisay masraxa David Silva and Leroy Sane kuwaas oo bandhig wanaagsan Etihad kaga hoos sameeyey Pep Guardiola.

Musharaxa ugu dambeeya waa David De Gea oo xilli ciyaareed wanaagsan ku qaadanaya Old Trafford.

Leroy Sane sidoo kale waxa uu loolan adag ugu jiraa abaalmarinta da’yarta ee PFA Young Player Of The Year.

Waxaa la sharraxan Raheem Sterling, Ederson, Harry Kane, Marcus Rashford iyo  Ryan Sessegnon

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here