Wednesday, May 23rd, 2018
Advertisements
Advertisements

Liverpool Oo Go’aan Ka Gaartay Mustaqbalka Mahamad Salah Oo Lala Xiriirinayo Real Madrid

Published on April 18, 2018 by   ·   No Comments

Liverpool ayaa diidi doonta inay iibiso Mohamed Salah qiimo kasta oo lasoo bandhigo xagaagam, inkastoo ay xiiseyneyso kooxda ka dhisan La Liga ee Real Madrid.

Xiddiga reer Masar ayaa jecel inuu ku guuleysto abaalmarinta ciyaaryahanka sannadka ee PFA ka dib markii uu xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay Anfield wacdaro dhigay.

Salah ayaa dhaliyay 40 gool 45 kulan oo uu u saftay Reds tartamada oo dhan xili ciyaareedkaan..

25 jirkaan ayaa Reds kaga soo biiray Roma 35 milyan oo ginni xagaagii hore, waxaana uu nkooxdiisa gaarsiiyay afar dhamaadka Champions League ka dib markii 5-1 ku garaaceen Manchester City wareega sideed dhamaadka.

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay xiiso u qabto saxiixa xiddiga hogaamiya kooxda Liverpool, sida laga soo xigtay shalay halyeyga Masar Mido.

Mido ayaa sheegay in Salah uu diyaar u yahay inuu ku biiro garoonka Bernabeu xili ciyaareedka dambe.

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa la fahamsan yahay inaysan qiimo kasta diyaar u aheyn inay iibiso Salah, sida ay qortay Mirror.

Tababare Jurgen Klopp ayaa si buuxda u taageeray qorshaha kooxdiisa kusoo heysaneyso Mohamed Salah oo bartilmaameed u ah Real Madrid.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DHAGEYSO} Warka duhurnimo Ee Idaacada Hiiraanweyn Xarunteda Magaalada B/weyne

May, 23, 2018
Dhageysatayaasha  sharafta leh ee  Radio Hiranweyn ee Magaalada Baladweyne ee ku xiran Webkeena Www.Hiiraanweyn.net ama Hiranweyn.com Waxaan idin soo gudbineyna Warka ...

{DAAWO MUQAALKA} Maamulka Gobolka Iyo Shacabka oo Bilaaway Dhismaha Wadada Isku xirto Baladweyne Iyo Jeento Kundisho

May, 23, 2018
Waxaa dib loo bilaaway dayactirka wadada laami ah oo uu daadka bur buriyay wadadaas oo  isku xirto Bartamaha ...