Thursday, May 24th, 2018
Advertisements
Advertisements

Maamulka Degmada Boondheere oo ka hadlay weerar caawa ka dhacay degmadaasi

Published on April 17, 2018 by   ·   No Comments

Maamulka degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen weerar caawa lagu qaaday Wiil ka mid ahaa Dhalinyarada degan degmadaasi.

Dabley hubeysan ayaa caawa aagga Isbitaalka Somali-chermany waxa ay ku dhaawaceen Wiil Dhalinyaro ah, inkastoo markii dambe uu isbitaalka ugu geeryooday dhaawicii soo gaaray.

Guddoomiyaha degmada Boondheere Seynab Yuusuf Wehliye ayaa waxa ay sheegtay wiilka la dilay in lagu magacaabi jiray Axmed Nuur Ciise (Halooyeelo) oo Studio yar ku lahaa degmada gudaheeda.

Sidoo kale Guddoomiye Seynab ayaa waxa ay sheegtay wiilka la dilay inuu la socon jiray Ciidanka Nabad Sugidda gaar ahaan kuwa degmada Boondheere ka howlgala.

Waxay tilmaamtay in Maamulka degmada iyo Saraakiisha Hay’adaha ammaanka ay caawa kulan deg deg ah ka yeelanayaan dilka dhacay, maadaama degmada uusan ku badneyn dilalka nuucaan oo kale ah, raggii falkan geystayna ay ku daba jiraan.

“Allaha u naxariisto wiilkan waxa uu degmada ku lahaa Dukaan yar, isaga oo Shaax ku cabaya Mehradiisa horteeda ayay Dabley ku furtay Rasaas, kadibna way baxsadeen, dhaawac ahaan ayaa loo qaaday, balse markii dambe ayuu geeryooday, arrintan kulan deg deg ah ayaan ka leenahay caawa.” Ayay tiri Guddoomiyaha Boondheere.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo habeen kahor kulan ammaanka looga hadlayay la qaatay Gudoomiyeyaasha degmooyinka ayaa wuxuu u sheegay in shaqada uu weynayo Guddoomiyihii wax ka qaban waaya falalka amniga ka baxsan ee ka dhaca degmadiisa.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Faah Faahin Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Puntland oo goor dhaw lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

May, 23, 2018
Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya degmada Gaalkacyo ayaa sheegaya in rag hubeysan goor dhaw halkaa ku ...

Wasaaradda amniga oo Faah faahin kabixisay rag maanta lagu toogtay Muqdisho

May, 23, 2018
Wasaaradda amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay laba dhalinyaro ah oo maanta ciidanka ...