Friday, May 25th, 2018
Advertisements
Advertisements

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Qorsheynaa In Uu Canshuur Ka qaado Xaafada Muqdisho

Published on April 20, 2018 by   ·   No Comments

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada dadaaladii ugu danbeysay ee loogu jiro sidii loo bilaabi lahaa Canshuur uruurin ku aadan Xaafadaha Magaalada Muqdisho.

Gudoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyada Gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur oo hadal ka jeediyay Munaasabad lagu qabtay Xarunta Degmada Xamarweyne oo lagu dhagax dhigayay Xafiiska Adeega Dadweynaha, ayaa sheegaya iney dhawaan bilaabayaan soo xareynta Canshuuraha laga qaado guryaha ku yaala Gobolkan Banaadir.

 

Gudoomiye Xuseen, ayaa tilmaamay in marka qasnada Dowladda Hoose ay ku soo dhacdo lacagaha ay soo qaadaan, dib loogu celin doono 17-ka Degmo, si loogu sameeyo adeegyo shacabka ay ubaahanyihiin oo ay kamid yihiin dhismaha Wadooyinka iyo sidii looga gaashaaman lahaa in roobka uu dhibaato ugeysto dadka danyarta ah.

Shacabka ayuu ka dalbaday iney kaalin muuqata ka qaataan qorshahan Cusub oo uu tilmaamay in looga kaaftoomaayo gacan hoorsiga shisheeye oo ay dadka Reer Muqdisho iyaga jeebkooda ku tashanayaan.

Si Kastaba, Gobolka Banaadir ayaa hada bilaabay qorshe ku aadan sidii loo dhisi lahaa degmooyinka qaar ee Gobolka Banaadir oo burbur xoogan ka muuqdo, isla mar ahaantaasina dib udayactir loogu sameeyo kuwo dhismohoodu wanaagsanyahay.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Qarax Dhimasho iyo Dhaawac geystay oo ka dhacay BMagaalada Benghazi.

May, 25, 2018
Ugu yaraan 7 qof ayaa dhimatay, 25 kalane wey dhaawacmeen kadib gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu ...

Kulan looga hadlayay amniga oo ka dhacay degmada Qansax-dheere

May, 25, 2018
Guddoomiyaha degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay Aadan Cabdi Qooqane ayaa waxa uu Idaacadda hiranweyn uga waramay kulan looga ...