Thursday, May 24th, 2018
Advertisements
Advertisements

Maamulka Hirshabeelle “waan ka hor tageynaa wax yeelada fatahaada Webiga Shabeelle”

Published on April 17, 2018 by   ·   No Comments

Wasiirka wasaarada beeraha iyo waraabka ee maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo ku aadan ka hortaga wax yeelada ka dhalan karta fatahaad uu sameeyay Webiga Shabeelle.

Wasiirka beeraha iyo waraabka ee Hirshabeelle Xasan Axmed Muudeey ayaa sheegay in fatahaada webiga uu saameysay dhamaan dadka reer Jowhar, wuxuuna tilmaamay in hadda ay wadaan qorshe balaaran oo ay ugu hortagaan wax yeelada ka dhalan karta fatahaada.

Xasan Axmed ayaa sidoo kale sheegay in magaalada Jowhar ay ku yaalaan beero badan oo wax soo saar leh, isla markaana ay wadaan qorshihii ugu hor tagi lahaayeen in ay saameyso fatahaada Webiga beerahaasi.

Webiga Shabeelle oo maalmihii dambe la ciir ciirayay biyo badan ayaa ku fatahay magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaasi.

Fatahaada ayaa saameysay dhamaan dhaq dhaqaaqyadii dadka gaadiidka iyo goobihii waxbarashada.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Faah Faahin Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Puntland oo goor dhaw lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

May, 23, 2018
Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya degmada Gaalkacyo ayaa sheegaya in rag hubeysan goor dhaw halkaa ku ...

Wasaaradda amniga oo Faah faahin kabixisay rag maanta lagu toogtay Muqdisho

May, 23, 2018
Wasaaradda amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay laba dhalinyaro ah oo maanta ciidanka ...