Monday, April 23rd, 2018
Advertisements
Advertisements

Madaxda Ciidamada AMISOM oo taliyayaasheeda amartay fulinta qorshaha ka bixidda Somaliya

Published on April 15, 2018 by   ·   No Comments

Ku xigeenka howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM Simon Mulongo, ayaa amar ku siiyay taliyayaasha kala duwan ee Ciidanka AMISOM in ay fuliyaan qorshaha AMISOM ay kaga baxeyso Soomaaliya si loo fuliyo xeerkii Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey.

Mr. Mulongo,waxaa uu ka hadlayay kulan ay isugu yimaadeen taliye qeeybeedyada AMISOM,kaas oo looga hadlayay xaaladda Soomaaliya,sida AMISOM u soo gaba gabeyn karto howlgalka iyo dhaqan gelinta Qaraarkii Golaha amaanka ee farayay AMISOM in amniga Dalka ay ku wareejiso Ciidanka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in awood ku wareejinta Ciidanka Soomaaliya ay suuragal tahay marka AMISOM ay laba jibaarto howlgalkeeda ka dhanka ah Al-shabaab,kana guuleysato markaas oo AMISOM uu sheegay in ay u fududdahay wareejinta Amniga Soomaaliya.

Isaga oo ka hadlayay shaqada AMISOM ayuu sheegay in shaqada ugu weyn ee AMISOM  ay tahay hadda fulinta qorshaas iyo xaqiijinta doorashada qof iyo cod ee Sanadka 2020, la filayo in ay ka dhacdo Soomaaliya.

Haji Ssebirumbi, oo ah sarkaalka dhinaca siyaasadda AMISOM ayaa sheegay in qorsha wareejinta amniga Soomaaliya ay hoggaamineyso Dowladda Federaalka ah AMISOM-na ay qeyb ka tahay fulinta howshaas.

Mr. Ssebirumb,ayaa intaas ku daray in 1,000 Askari oo AMISOM ah ay ka bixi doonaan Soomaaliya Bisha October ee 2018,halka 1,000 kalena ay horay u baxeen dhamaadka Sanadkii la soo dhaafay.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Taliyaha ciidamada xoogga dalka oo sheegay in la qabtay Askar doonayay in ay agab kala baxaan xerada Jen Gordan

April, 23, 2018
Cabdiwali Jaamac Xuseen Gorod Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay askartii ka ...

{DAAWO SAWIRADA} Koox maafiyo ah oo Soomaaliya hub qarsoodi ah geysay oo lagu xukumay Mareykanka

April, 23, 2018
Nonamkan oo lagu kala magacaabo Joseph Hunter, Adam Samia, Carl Stillwell iyo kaabohooda Paul Le Roux ayaa waxaa lasoo ...