Wednesday, May 23rd, 2018
Advertisements
Advertisements

Madaxweynahii Cuba oo is casilay xilkana wareejiyay

Published on April 19, 2018 by   ·   No Comments

Madaxweynihii hore ee dalka Cuba Raul Castro ayaa xilkaas iska casilay waxaana uu xilka ku wareejiyay ku xigeenkisii 1aad Miguel Diaz-Canel.

 

Qoyska Reer Castro ayaa waxaa ay dalka Cuba xukumayeen 60kii Sano ee la soo dhaafay,waxaana xilkan muddo dheer yahay Fidel Castro kaas oo xanuun soo wajahay kaddib ku wareejiyay walaalkii Raul Castro.

 

Fidel ayaa horay u geeriyooday,waxaana xilka Khamiista maanta ah iska casilay Raul Castro oo ku wareejiyay ku xigeenkiisii 1aad Miguel Diaz-Canel

 

Canel,waa 57 jir dhashay 1959kii kacdoonkii Cuba kaddib,waxaana uu noqday qofka kaliya ee aan ka mid ahayn qoyska Reer Castro oo xilka qabta tan iyo Kacdoonka dalkaas.

 

Diaz-Canel,ayaa noqday Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee dalkaas sanadkii 2013kii,tan iyo xilligaana waxaa uu ahaa nin saameyn muuqata ku leh xisbiga Shuuciga ee xukamayay Jasiiradda Cuba.

 

Raul, waa  86 jir waxaana uu xilka qabtay Sanadkii  2006dii,markaas oo uu walaalkii oo galaad ka geeriyooday uu ku wareejiyay talada kaddib xanuun ku dhacay.

 

Is casilaadda waxaa lagu soo aaddiyay Sanadguurada 61aad ee Dagaalkii   Bay of Pigs ee sanadkii 1961,markaas oo Ciidamadii Fidel Castro ay jebiyeen 1,400 oo Askari  oo mucaarid ahaa kuwaas oo uu taageerayay Mareykanka islamarkaana doonayay in ay afgambiyaan Fidel Castro.

 

Fidel Castro waxaa uu geeriyooday isaga oo  90 jir ah Bishii November 25, 2016kii,waxaana hadda meesha ka baxaya Ninkii isaga ka yaraa ee Talada dalka Cuba uga dambeeyay.

 

605, oo golaha Baarlamaanka ah ayaa ka qeybgelay Codeyntii Arbacadii,waxaana ay doorteen Diaz-Canel, oo aanay jirin cid la tartameysay,waxaa codadka xisaabinayay 31 xubnood oo ka mid ah Golaha.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DHAGEYSO} Warka duhurnimo Ee Idaacada Hiiraanweyn Xarunteda Magaalada B/weyne

May, 23, 2018
Dhageysatayaasha  sharafta leh ee  Radio Hiranweyn ee Magaalada Baladweyne ee ku xiran Webkeena Www.Hiiraanweyn.net ama Hiranweyn.com Waxaan idin soo gudbineyna Warka ...

{DAAWO MUQAALKA} Maamulka Gobolka Iyo Shacabka oo Bilaaway Dhismaha Wadada Isku xirto Baladweyne Iyo Jeento Kundisho

May, 23, 2018
Waxaa dib loo bilaaway dayactirka wadada laami ah oo uu daadka bur buriyay wadadaas oo  isku xirto Bartamaha ...