Thursday, May 24th, 2018
Advertisements
Advertisements

Madaxweynihii hore oo ka hadlay xiisada ka dhaxtaagan Soomaaliya iyo Imaaraadka

Published on April 17, 2018 by   ·   No Comments

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay xiisada siyaasadeed ee ka dhax taagan dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Sheekh Shariif oo wareysi siinayay Tvga Al-carabiyah ayaa aad ugu hadlay xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka iyo sidii xal looga gaari lahaa xiisada dublomaasiyadeed ee ka dhaxtaagan dowladahaasi.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Imaaraadka uu ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer oo soo jireen jireen ah.

Wuxuu yiri ”Soomaaliya iyo Imaaraadka waxaa ka dhaxeeya xiriir ganacsi, mid horomarineed iyo mid saaxibtinimoba”

Shariif wuxuu carabka ku adkeeyay in dowlada Imaaraadka ay Soomaaliya ka caawisay sanadihii dambe dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab.

Sheekh Shariif ayaa ugu dambeyn baarlamaanka, xukumadda iyo madaxda dowlada ka dalbaday in xiisadaan ay dadaal dheer u galaan sidii loo xalin lahaa, wuxuuna intaas uu sii raaciyay in mararka qaar ay dhacaan arimahaan oo kale laakiin loo baahan yahay haddii is fahmi waa uu yimaada in si deg deg ah xal looga gaaro.

Maalmihii dambe ayaa waxaa cirka isku sii shareerayay xiisad dublomaasiyadeed oo ka dhaxtaagan dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka taas oo ka dhalatay oo dhacdo oo ay ka mid tahay, heshiiskii shirkada DP World ee Imaaraadka laga leeyahay ay la gashay Soomaaliland iyo lacago Imaaraadka ay laheed oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Faah Faahin Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Puntland oo goor dhaw lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

May, 23, 2018
Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya degmada Gaalkacyo ayaa sheegaya in rag hubeysan goor dhaw halkaa ku ...

Wasaaradda amniga oo Faah faahin kabixisay rag maanta lagu toogtay Muqdisho

May, 23, 2018
Wasaaradda amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay laba dhalinyaro ah oo maanta ciidanka ...