Manchester City Oo Qorsheyneysa Inay Lasoo Saxiixato Kylian Mbappe

0
8

Manchester City ayaa qorsheyneysa inay u dhaqaaqdo Kylian Mbappe haddii Paris St Germain ay dooneyso inay ka fogaato sharciga dhaqaale wanaaga suuqa.

Xiddiga da’da yar ee reer France ayaa ku biiray PSG xagaagii lasoo dhaafay, kadib markii  £ 167million loo gacan geliyay kooxdiisii hore ee Monaco.

Heshiiska ayaa yimid kadib markii Neymar Barcelona kaga soo dhaqaaqay 200 milyan oo ginni sannadkii hore.

Kooxda Parisians-ka ayaa laga yaabaa inay iska fasaxddo Mbappe si loo dheeli tiro qorshaha dhaqaale wanaaga suuqa kala iibsiga.

The Mirror ayaa soo warisay in Manchester City ay isha ku heyso xaaladaan, iyadoo rajeyneysa inay Mbappe usoo dhaqaajiso Etihad.

Pep Guardiola ayaa la fahamsan yahay inuu taageere weyn u yahay 19 jirkaan, oo uu isku dayay saxiixiisa xagaagii hore ka hor inta uusan ku biirin PSG.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here