Manchester United Oo Gurigeeda Lagu Garaacay Iyo Manchester City Oo Qarka U Saaran In Ay Hanato Premier League

0
55

Kulan aad u xiiso badan ayaa ka dhacay gegida Old Trafford oo ay isku haleeleen kooxaha Manchester United iyo West Brom Albion.

Kulankan waxa uu lahaa laba ahmiyadood oo masiiri ka ahaa Premier League – 1, haddii ay Man United guuldarreysato waxaa horyaalka hal gacan ugu dhiibi lahayd calleem Manchester City oo hadda qarka u saaran  – City haddii ay badiso kulanka dambe waxa ay noqon doontaa horyaalka England. 2 Haddii ay West Brom ka bad baadi weyso guuldarro waxa ay u dhici lahayd horyaalka heerka labaad – laakiin hadda ma dhicin oo West Brom kulamada soo socda ayaa ka xiga in ay wali ka sii mid ahaato Premier League.

Cayaarta qaybtii hore waxa ay ku dhammaatay 0-0 oo wax goolal ah la’iskama dhalin balse qaybtii dambe ayey West Brom heshay goolka guusha.

West Brom waxa ay goolka heshay daqiiqaddii 73-aad waxaana u dhaliyey Jay Rodriguez.

Isku dayo ay sameysay Manchester United oo ay isaga soo gudeyso goolka uma suurtagalin waxaana looga badiyey Old Trafford muddo dheer kaddib.

Shaxaha labada kooxood

WEST BROM: Foster; Nyom, Dawson, Hegazi, Gibbs; Phillips, Livermore, Brunt, McClean; Rodriguez, Rondon

Kaydka: Myhill, Gabr, Yacob, Krychowiak, Field, Burke, Sturridge

 

MAN UNITED: De Gea; Valencia, Smalling, Lindelof, Young; Matic, Herrera, Pogba; Mata, Sanchez, Lukaku

Kaydka: Pereira, Jones, Rojo, McTominay, Lingard, Rashford, Martial

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here