Monday, April 23rd, 2018
Advertisements
Advertisements

Mareykanka oo codsaday in la go’doomiyo hoggaamiyaha Venezuela

Published on April 15, 2018 by   ·   No Comments

Dowladda Mareykanka ayaa waddamada ku yaalla koonfurqa qaaradda Ameerika ka codsaday in ay takooraan madaxweynaha dalka Venezuela Nicolas Maduro.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence oo ka hadlayay shirka madaxda waddamadani ee kafurmay magaalada Lima ee caasimadda Peru ayaa ka codsaday hoggaamiyeyaashani in ay ku dedaalaan sidii loo go’doomin lahaa madaxweyne Maduro.

Waxa uu sheegay in Mareykanka uusan iska daawan doonin Venezuela oo sii burbureysa.

Mike Pence waxa uu ugu baaqay madaxweyne Maduro in uu ogolaado in gargaar bani’aadanimo la gaarsiiyo dadka reer Venezuela ee ay haysato cunno iyo dawo la’aanta.

Pence ayaa shirkan ku matalaya madaxweyne Trump oo u baaqday sababo la xiriira sidii uu u agaasimi lahaa jawaabta laga bixinayo weerar ka dhacay gudaha dalka Suuriya oo la sheegay in loo adeegsaday hubka kiimikada.

Dalka Venezuela ayaa wajahaya mushaakil dhaqaale waxaa sii kordhaya cadaadiska la saarayo madaxweyne Maduro oo isaguna arrimahani ku eedeynaya Mareykanka.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Taliyaha ciidamada xoogga dalka oo sheegay in la qabtay Askar doonayay in ay agab kala baxaan xerada Jen Gordan

April, 23, 2018
Cabdiwali Jaamac Xuseen Gorod Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay askartii ka ...

{DAAWO SAWIRADA} Koox maafiyo ah oo Soomaaliya hub qarsoodi ah geysay oo lagu xukumay Mareykanka

April, 23, 2018
Nonamkan oo lagu kala magacaabo Joseph Hunter, Adam Samia, Carl Stillwell iyo kaabohooda Paul Le Roux ayaa waxaa lasoo ...