Monday, April 23rd, 2018
Advertisements
Advertisements

Michael Carrick Oo Daboolka Ka Qaaday Wixii Uu U Sheegay Paul Pogba Kulankii Manchester Derby Intii Lagu Maqnaa Nasashada

Published on April 14, 2018 by   ·   No Comments

Rugcadaaga Manchester United Michael Carrick ayaa daaha ka rogay wixii uu u sheegay Paul Pogba intii lagu guda jiray kulankii Manchester Derby sabtidii hore.

Laacibka u dhashay England waxa ay diyaar garow ugu jiraa ka fariisiga cayaaraha isaga oo dhammaadka xilli ciyaareedkan ku biiri doona kooxda tababarka Jose Mourinho.

Carrick waxa uu fadhiyey boosaska tababarayaasha kulankii bishii hore ee ay Ma Uited 2-0 kaga badisay Swansea.

Xiddigga khadka dhexe ku takhsasusay durba saameyn ayuu ka sameenayaa qolka labiska.

Isaga oo wareysi bixinaya Pogba oo laba gool dhaliyey kulankii Manchester Derby, waxa uu sheegay in Carrick saab u ahaa in goolashaas dhaliyo.

Hada, laacibkii hore ee Tottenham waxa uu daaha ka rogay wixii uu u sheegay Pogba.

“Kaliya waxaan ku dhahay is deji,” ayuu Gary Neville ugu sheegay Sky Sports.

“Fiiri, waxaan dhahay ‘Sida ayaad tahay, taas waa waxa aad ku fiican tahay.

“Laba gool ayuu dhaliyey, sabab uma ahi.

“Laakiin waan ku faraxsanahay in aan saameyn ku yeeshay isaga.

“Waxa ay muujineysaa waxyaabaha yar yar ee aad cayaaryahanada ka caawin kartid.

“Waxa kale oo ay muujineysaa waxyaabo diiwaan galiyaan cayaaryahanada.”

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Taliyaha ciidamada xoogga dalka oo sheegay in la qabtay Askar doonayay in ay agab kala baxaan xerada Jen Gordan

April, 23, 2018
Cabdiwali Jaamac Xuseen Gorod Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay askartii ka ...

{DAAWO SAWIRADA} Koox maafiyo ah oo Soomaaliya hub qarsoodi ah geysay oo lagu xukumay Mareykanka

April, 23, 2018
Nonamkan oo lagu kala magacaabo Joseph Hunter, Adam Samia, Carl Stillwell iyo kaabohooda Paul Le Roux ayaa waxaa lasoo ...