Wednesday, May 23rd, 2018
Advertisements
Advertisements

Mohamed Salah Oo Jabiyay Rikoorka Goolasha Ciyaartooyda Afrika Ee Tartanka Champions League

Published on April 25, 2018 by   ·   No Comments

Xiddiga Liverpool Mohamed Salah ayaa dhaliyay labo gool qeybtii hore ee kulankii UEFA Champions League kooxdiisa ay la ciyaareen AS Roma, taasoo la micno ah inuu jabiyay rikoorkii ciyaartooyda Afrika ee tartankaan.

Laacibka Xulka Masar ayaa goolkiisii ​​ugu horeeyay ee kulankii Anfield 5-2 kaga badiyeen kooxdiisa AS Roma, waxa uu ku jabiyay rikoorkii Samuel Eto’o oo ahaa xiddiga hal xili ugu goolasha badan tartankaan ciyaartooyda Africa.

Salah ma uusan joogsan, waxaana uu dhaliyay goolka labaad ee Reds isagoo xirtay 10 gool oo Champions League ah hal xilli ciyaareed, kaliya Cristiano Ronaldo ayaa oo 15 jeer shabaqa soo taabtay ayaa ka badan.

Guud ahaan, waxa uu dhaliyay ​​43 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, taasoo la micno ah inuu haatan yahay dhaliyaha labaad ee hal xili ugu fiican Reds.

Kaliya Ian Rush oo dhaliyay 47 xili ciyaareedkii 1983/84, aya ka badan Salah oo hadda dhaliyay 43 gool.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DHAGEYSO} Warka duhurnimo Ee Idaacada Hiiraanweyn Xarunteda Magaalada B/weyne

May, 23, 2018
Dhageysatayaasha  sharafta leh ee  Radio Hiranweyn ee Magaalada Baladweyne ee ku xiran Webkeena Www.Hiiraanweyn.net ama Hiranweyn.com Waxaan idin soo gudbineyna Warka ...

{DAAWO MUQAALKA} Maamulka Gobolka Iyo Shacabka oo Bilaaway Dhismaha Wadada Isku xirto Baladweyne Iyo Jeento Kundisho

May, 23, 2018
Waxaa dib loo bilaaway dayactirka wadada laami ah oo uu daadka bur buriyay wadadaas oo  isku xirto Bartamaha ...