Thursday, May 24th, 2018
Advertisements
Advertisements

Mourinho Oo Agaasimayaasha Man Utd Ku Amray In La Iibiyo Pogba Iyo Saddex Xiddig Kale Oo Katirsan Kooxda Koowaad

Published on April 17, 2018 by   ·   No Comments

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa u sheegay agaasimayaasha kooxdiisa inay iibiyaan Paul Pogba dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargeyska Daily Mail ayaa sheegaya in Mourinho uu u ogolaan doono ciyaaryahanka ku fadhiya £ 89million ee Pogba inuu ka tago Manchester United xagaagaan.

Tababaraha reer Portugal ayaa ka careysan qaabka uu u ciyaaro ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France.

Pep Guardiola ayaa hore shaaca kaga qaaday ka hor kulankii Manchester derby inuu iska diiday fursad uu kula saxiixan karay Pogba bishii Janaayo.

xiddiga reer France ayaa ka tagi kara Old Trafford kaliya markii labo sanno ka hor markii Juventus looga soo iibsaday  £ 89million.

Mourinho ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu iska iibiyo Anthony Martial, Daley Blind iyo Matteo Darmian oo aan kamid ah shaxda joogtada ah ee kooxda ku ciyaarta Old Trafford.

Tababare Jose Mourinho ayaa damacsan inuu kula dagaalamo Manchester City horyaalka Premier League xilli ciyaareedka soo aadan.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Faah Faahin Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Puntland oo goor dhaw lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

May, 23, 2018
Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya degmada Gaalkacyo ayaa sheegaya in rag hubeysan goor dhaw halkaa ku ...

Wasaaradda amniga oo Faah faahin kabixisay rag maanta lagu toogtay Muqdisho

May, 23, 2018
Wasaaradda amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay laba dhalinyaro ah oo maanta ciidanka ...