Paul Pogba Oo Kala Doortay Kooxaha Juventus, Real Madrid Iyo PSG- Kooxdee Ku Biirayaa?

0
36
LIVERPOOL, ENGLAND - JANUARY 01: Paul Pogba of Manchester United celebrates victory during the Premier League match between Everton and Manchester United at Goodison Park on January 1, 2018 in Liverpool, England. (Photo by Jan Kruger/Getty Images)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba ayaa albaabka u furay inuu ku laabto Juventus xagaagan.

Wargeyska Tuttosport ayaa sheegaya in Pogba uu jeclaan lahaa inuu ku laabto Juventus halkii uu ku biiri lahaa kooxaha PSG iyo Real Madrid.

Isbuucii hore warar soo baxay waxay sheegayeen in wakiilka Pogba, Mino Raiola uu ka shaqeynato sidii ciyaaryahanka ugu laaban lahaa Turin.

Dhanka kale, ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa ku faraxsan fursada uu dib ugu laabanyo kooxda Bianconeri oo waqti qurux badan uu la qaatay.

Juventus ayaa qorsheyneysa inay amaah ku qaadato xilli ciyaareedka soo socda Pogba, laakiin United ayaa dooneysa in toos looga iibsado.

Real Madrid ayaa sidookale la socta xaalada Pogba ee kooxda Manchester United, halka PSG wakiilo u dirtay ciyaaryahanka reer France.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here