Monday, April 23rd, 2018
Advertisements
Advertisements

Putin: Waa gar darro cad weerarka Suuriya lagu qaaday

Published on April 14, 2018 by   ·   No Comments

Madaxweyne Putin

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa si ba’an u cambaareeyey weerarka ay reer Galbeedku ku qaadeen Suuriya oo ay dalkiisa xulufo yihiin.

Warbixin laga baahiyey Telefishanka dawladda ayuu Putin “si adag ugu cambaareeyey” weerarkaas waxaanu yidhi duqaynta Suuriya waa “fal gardarro cad ah”. Waxaanu intaa ku daray in hubka kiimikada ah ee la sheegay in lagu weerary magaalada Duuma ee Suuriya todobaadkii hore, uu ahaa shirqool la maleegay oo looga gol lahaa in marmarsiiyo looga dhigto weerar lagu qaado Suuriya.

Ra’isal wasaaraha Ingiriiska, Theresa May, oo haatan shir jaraa’id oo socda oo ay ka hadlaysa oo ay ku faahfaahinayso duqaynta reer Galbeedka ee Suuriya, ayaa tidhi cid aan ahayn dawladda Suuriya ma ay qaadin weerarka hubka kiimikada lagu sheegay ee lagu qaaday magaalada Duuma todobaadkii hore.

“Waanu ognahay in maamulka Suuriya uu leeyahay caado xun oo ah inuu hubka kiimikada ah u adeegsado dadkiisa” ayey tidhi May, waxaanay hadalkeeda ku dartay oo sheegtay in taalabadaa laga qaaday dawladda Suuriya tahay mid “sharci iyo gar labadaba ah” laakiin aanay doonayn in ay xukuumadeedu faraha la gasho dagaalka sokeeye ee ka socda Suuriya.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Taliyaha ciidamada xoogga dalka oo sheegay in la qabtay Askar doonayay in ay agab kala baxaan xerada Jen Gordan

April, 23, 2018
Cabdiwali Jaamac Xuseen Gorod Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay askartii ka ...

{DAAWO SAWIRADA} Koox maafiyo ah oo Soomaaliya hub qarsoodi ah geysay oo lagu xukumay Mareykanka

April, 23, 2018
Nonamkan oo lagu kala magacaabo Joseph Hunter, Adam Samia, Carl Stillwell iyo kaabohooda Paul Le Roux ayaa waxaa lasoo ...