Thursday, May 24th, 2018
Advertisements
Advertisements

Qarax Goor dhaw ka dhacay Magaalada Mooyaale

Published on April 17, 2018 by   ·   No Comments

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac  ayaa galabta ka dhacay degaanka Mooyaale ee u dhaxeeya Sohdinta Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

 

Waxaa la xaqiijiyay qaraxan oo ahaa Bambo gacmeed lagu tuuray goob Gaadiidka laga raaco in ay ku dhinteen ilaa Saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, kuwaasi oo loola cararay goobaha caafimaadka.

 

Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan dadka waxyeelada dhaawaca ah uu ka soo gaaray qaraxan in ay kor u dhaafayaan 40 qof, maadaama xilliga uu qaraxa dhacayay goobta ay aheyd mid mashquul badan.

Saraakiisha Hay’adaha ammaanka Oromada ee Mooyaale ayaa waxa ay sheegeen khasaaraha qaraxan uu geystay inuu badan yahay, waxayna tilmaameen in weerarkan ay ka dambeeyaan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

 

Maamulka Mooyaale ayaa waxa ay sheegeen in falkan uu yahay mid ka baxsan naxariista, aysana aheyn wax lo dulqaadan karo in la laayo dad shacab ah oo aan waxba galabsan, waxayna tilmaameen in ay jawaab ka bixin doonaan weerarkan.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Faah Faahin Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Puntland oo goor dhaw lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

May, 23, 2018
Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya degmada Gaalkacyo ayaa sheegaya in rag hubeysan goor dhaw halkaa ku ...

Wasaaradda amniga oo Faah faahin kabixisay rag maanta lagu toogtay Muqdisho

May, 23, 2018
Wasaaradda amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay laba dhalinyaro ah oo maanta ciidanka ...