Thursday, May 24th, 2018
Advertisements
Advertisements

Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Guusha Soo Laabashada Ah Ay Gaartay Chelsea Maanta – Kumaa Ahaa Xiddiga Garoonka?

Published on April 14, 2018 by   ·   No Comments

Kooxda Chelsea ayaa sameysay soo laabasho cajiib ah ka dib markii labo gool oo ay uga hormartay kooxda Southampton oo marti loo ahaa ay kaga jawaab celiyeen seddex gool iyadoo guushaas ay keentay inay Blues todobo dhibcood u soo jirsato kooxda kaalinta afaraad ee Tottenham.

Labo gool uu dhaliyay Olivier Giroud iyo gool uu dhaliyay Eden Hazard ayaa Chelsea ka caawisay inay soo kabsasho cajiib ah sameeyaan oo ay seddexda dhibcood ku qaataan garoonka St Mary’s Stadium.

Dhanka kale kooxda Southampton ayaa haatan heysata kaliya shan kulan oo Premier League ah oo ay isku badbaadiyaan iyagoo badiyay kaliya hal kulan 19kii kulan ee ugu danbeysay.

Xiddiga Garoonka: Olivier Giroud

Ninka reer France ayaa kursiga keydka ka soo kacay iyadoo Chelsea lagu hogaaminayo 2-0. Labaatan daqiiqadood ka dib waxa ay kooxdiisa ciyaarta ku hogaamineysay 3-2 waxaana ugu wacan labadii gool ee uu dhaliyay. Soo gelidiisa ciyaarta ayaana wax weyn ka bedeshay ciyaarta Chelsea taasoo haatan u sharaxeysa inuu booska ka galo Alvaro Morata.

Qiimeynta Ciyaartoyda

Southampton McCarthy 6, Cédric 6, Bednarek 7, Hoedt 7, Yoshida 6, Bertrand 8,  Romeu 7, Ward-Prowse 7, Tadić 8, Højbjerg 7, Long 7.

Bedel: Sims 7, Austin 6, Gabbiadini 5.

Chelsea Courtois 7, Azpilicueta 7, Christensen 7, Cahill 6, Zappacosta 6,  Kante 6, Fabregas 6, Alonso 7, Willian 8, Morata 6, Hazard 8.

Bedel: Moses 6, Pedro 6, Giroud 8.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Faah Faahin Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Puntland oo goor dhaw lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

May, 23, 2018
Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya degmada Gaalkacyo ayaa sheegaya in rag hubeysan goor dhaw halkaa ku ...

Wasaaradda amniga oo Faah faahin kabixisay rag maanta lagu toogtay Muqdisho

May, 23, 2018
Wasaaradda amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay laba dhalinyaro ah oo maanta ciidanka ...