Monday, April 23rd, 2018
Advertisements
Advertisements

Roma Oo Bayaan Kasoo Saartay Mustaqbalka Goolhayaha Qaarada Yurub Loogu Doonista Badan Yahay Ee Alisson Becker

Published on April 16, 2018 by   ·   No Comments

Madaxweynaha kooxda Roma James Pallotta ayaa sheegay in Alisson Becker uusan iib ka aheyn kooxdiisa.

Alisson waxaa doonaya kooxaha Liverpool, Paris Saint-Germain iyo Real Madrid kadib bandhigiisa soo jeedashada leh ee Roma.

Madaxweyne Pallotta ayaa yiri: “Ma fahmo sababta ay dadku i weydiinayaan haddii Alisson uu ka tagi doono kooxda xilli ciyaareedka soo aadan, ma rabno inaan iibino, Fursad uma heyno kooxaha doonaya isaga.

“Waxaan u maleyneynaa inuu ahaa goolhaye weyn markii aan la saxiixanay, sidaasi darteedna ma jirto sabab aan u iibino.”

Pallotta oo u dabaaldegay guushii ay Roma ka gaartay Barcelona wuxuu la kulmay duqa magaalada Rome Virginia Raggi si uu ugala hadlo mashruuca lagu dhiso garoon u gaar ah kooxdiisa.

“Waxaan ka hadalnay wax ka badan wixii kale ee ku saabsan dhismaha garoonka waan faahfaahin doonaa.

Giallorossi ayaa Liverpool kula kulmi doonta semi-finalka tartanka Champions League.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Taliyaha ciidamada xoogga dalka oo sheegay in la qabtay Askar doonayay in ay agab kala baxaan xerada Jen Gordan

April, 23, 2018
Cabdiwali Jaamac Xuseen Gorod Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay askartii ka ...

{DAAWO SAWIRADA} Koox maafiyo ah oo Soomaaliya hub qarsoodi ah geysay oo lagu xukumay Mareykanka

April, 23, 2018
Nonamkan oo lagu kala magacaabo Joseph Hunter, Adam Samia, Carl Stillwell iyo kaabohooda Paul Le Roux ayaa waxaa lasoo ...