Sababtii Uu Kaga Tagay, Hadii Uu Dib Ugu Laabanayo & Dani Alves Oo Sharraxay Wax Walba Oo Ku Saabsan Arinta Kala Dhaxeysa Barcelona.

0
39

Daafaca midig ee Paris Saint Germain Dani Alves ayaa qarsan waayay jaceylka baaxada leh oo uu u qabo kooxdisii hore Barcelona xitaa hadii ay qaab xun ula macaamileen sida la fahamsan yahay maamulka kooxda,

Dani Alves waxaa loo tixgeliyaa inuu yahay daafacii ugu fiicnaa dhanka midig tobankii sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna noqday shaqsi taariikh weyn ku leh garoonka Camp Nou tan iyo markii uu sanadkii 2008 kaga soo biiray kooxda Sevilla.

Dani wuxuu qiray inuu dib ugu laaban doono Barcelona hadii ay u yeerto kooxdisii hore, balse mar walba uu dhaawac dartiis kaga soo tagay garoonkii iyo magaaladii uu jeclaa maadama la qiimeyn waayay taariikhda uu ka abuuray halkaas.

“Barcelona waa gurigeyga” ayuu yiri Dani Alves oo la hadlayay Globo TV.

“Maahan wax suuragal ah inaan dhaho kuma laaban doono”

“Waan ku laabanayaa hadii ay Barcelona ii wacdo”

“Hadii aan kuu sheego inaan dareen xun uga tagin, taasi been ayaan kugu sheegay” ayuu yiri Dani Alves markale markii wax laga weydiiay qaabkii uu kooxda reer Catalonia uga caraabay xagaagii 2016.

“Waxaan ku baxay dhaawac sababtoo ah waxaan u maleynayaa inaan dagaal adag u galay sidii aan taariikh uga abuuri lahaa Barcelona”

“Waxaan ka tagay anigo 23-koob la qaaday muddo 8-sanadood ah”

Dhanka kale Dani Alves wuxuu qiray iney maamulka Barcelona wax xushmad ah u muujin taariikhda uu kulahaa kooxda.

“Waxey doonayeen iney i macsalaameeyaan, waana ka diiday, sababtoo ah waxaan quuldareynayay in Barcelona tahay gurigeyga, marka meel aad u tixgeliso gurigaaga – maahan inaad macsalaameyso”

“Waa maxay macsalaamada, hadii aad dooneyso inaad soo laabato?”

Alves wuxuu aaday Juventus markii uu isaga tagay Barceona kadibna wuxuu usii gudbay Paris Saint Germain oo uu hadda ku sugan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here