Shax isku dhaf ah oo laga sameeyey kooxaha Tottenham iyo Man City ka hor kulankooda caawa ee Premier League

0
21

Shabakadda ciyaaraha ee Sports Mole ayaa shax isku dhaf ah ka sameysay kooxaha Tottenham Hotspur iyo Manchester City, ka hor kulankooda adag ee horyaalka Premier League, kaasoo caawa dhex mari doonta labada kooxood.

Labada kooxood ayaa kulankan ka dhacaya garoonka Wembley waxa ay ku dagaalamayaan saddexda dhibcood, iyadoo koox waliba ay doonayso inay guusha kulankan gacanta ku dhigto.

Inkastoo kulanku uu yahay mid adag haddana Man City ayaa baahi weyn u qabta inay guul gaarto kulankan si ay ugu sii dhawaato hanasha horyaalka Premier League, halka Tottenham indhaha ku haysto inay caawa degto kaalinta saddexaad ee horyaalka.

Kooxda Tottenham Hotspur ayaa xiddigaha ugu badan ku yeelatay shaxdan isku dhafka ah ee ay sameysay Sports Mole, waxaana ay Spurs ku leedahay lix laacib, halka Man City ay ku leedahay shan xiddig.

Haddaba halkaan hoose ka eeg shaxda isku dhafka ah ee laga sameysay kooxaha Tottenham iyo Man City ka hor kulankooda caawa:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here