Thursday, May 24th, 2018
Advertisements
Advertisements

Tababarayaashii Imaaraadka oo ka dhoofay Garoonka Magaalada Boosaaso

Published on April 14, 2018 by   ·   No Comments

Saraakiil Milatari oo u dhashay Imaaraadka iyo Boorsooyin ay wateen ayaa ka dhoofay Garoonka Diyaarada Magaalada Boosaaso kaddib is faham waa dhexmaray Puntland iyo Imaaraadka.

Dowladda Imaaraadka ayaa maamulka Puntland ku amartay in ay iska diiddo go’aanka dowladda Federaalka ah ee Ciidamada ay tababartay Imaaraadka kula wareegeyso dowladda Federaalka ah,waxaana ay saraakiisha Imaaraadka la kulmeen mas’uuliyiinta Puntland kuwaas oo ka dalbaday in shirka Golaha wasiirrada ee Khamiistii la soo dhaafay ay Puntland ka sheegto go’aankeeda ka dhanka ah dowladda Federaalka ah.

Markii ay Khamiistii kulmeen Golaha Wasiirrada Puntland waxaa dhacday in Wasiirrada u codeeyay in la diido go’aanka Imaaraadka ay bateen,islamarkaana ay isku raaceen in ay ku mowqif yihiin Dowladda Federaalka ah oo todobaadkii hore sheegtay in ay la wareegeyso Ciidamada ay tababareen Imaaraadka.

Intaas kaddib Tababarayaasha Imaaraadka ayaa go’aan ku gaaray in ay maanta isaga baxaan Puntland,waxaana maanta iyaga oo isku dayay in ay agabkooda kala dhoofaan Garoonka Boosaaso ka hor istaagay Ciidanka Amaanka Garoonka.

Markii ay timid Diyaaradda qaadi lahayd Saraakiisha Imaaraadka ayaa waxaa ay ciidamada dalbadeen in ay baaraan buuq arrintaas ka dhashay ayaa sababay dib u dhac uu ku yimaado safarka hayeeshee ugu dambeyn la fasaxay saraakiishii iyo Boorsooyinkii ay wateen.

Puntland ayaa diidday in saraakiisha Imaaraadka ee tababarayay Ciidanka Badda Puntland ay qaataan Garaawida aan Rasaasta Karin ee Bulet Proof-ta loo yaqaan,Sanaadiiq Rasaas ah iyo Saanad kale oo Milatari,waxaana Markab ay Imaaraadka keensatay oo ay dooneysay in ay agabkaas ku qaadato uu wlai ku suganyahay Xeebaha Puntland.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Faah Faahin Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Puntland oo goor dhaw lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

May, 23, 2018
Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya degmada Gaalkacyo ayaa sheegaya in rag hubeysan goor dhaw halkaa ku ...

Wasaaradda amniga oo Faah faahin kabixisay rag maanta lagu toogtay Muqdisho

May, 23, 2018
Wasaaradda amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay laba dhalinyaro ah oo maanta ciidanka ...