Thursday, May 24th, 2018
Advertisements
Advertisements

taliska AMISOM oo soo bandhigtay qorshe looga hortagayo qaraxyada ay fuliyaan Al-shabaab

Published on April 17, 2018 by   ·   No Comments

Wakiilka Midowga Africa u fadhiya Soomaaliya ayaa isniintii ku dhawaaqay dadaaalo adag oo ladoonayo in looga hortago qatarta  waxyaabaha qarxa ee ku wajahan ciidamadda amaanka iyo shacabka Somaaliyba.

Francisco Madeira, Madaxa Howlgalka AMISOM ayaa ka sheegay furitaanka  shirkii Afraad ee Labo sanadle ah oo looga hadlo ka hortagga qaraxyadda in isticmaalka ay Qatar weeyn ku keeneen Xasiloonidii wadanka.

“sida ugu wanaagsan ee looga adkaaankaro waxyaabaha qarxa waa in siyaasadeennu saxan tahay, hadii ay siyaasadeenu, waxaba maahan inta techoolojiyad eelahowlgalinayo, waxaan u baahan doonaa in qof kasta uu doorkisa ciyaaro ayuu yiri” Madeira, sida lagu sheegay war saxaafadeed uu soo saray Howlga AMISOM.

Waxaa uu ku booriyay Militry-ga Booliiska iyo Dowladdu in ay iskaashadaan, si looga hotago isticmaaalka aaan kala sooca lahayn ee Qraxyadda.

Shirkaan oo Howlgalka AMISOM uu soo qaban qaabiyay ayaa waxaa looga golleeyahay in la kordhiyo Awoodda Ciidamadda Soomalida iyo kuwa AMISOMba ay uleeyihiin in ay si buxda uga hortagaan Hubakaan ay Al-shabaabku jecelyihiin.

Madeira waxaa uu adkeeyay Muhiimadda ay leedahay Sirdoon adag iyo Xogta oo lawadaago iyo in sidhow shacabka loola shaqeeyo.

Howlgalka Midowga Africa waxaa uu leeyahay Al-shabaab ayaa si adag u isticmaalay Waxyaabaha Qarxa si ay u dilaan Ciidam0 iyo shacab.

Wadooyinka ay Ciidamaddu isticmaalaan ayaa ah meelaha ugu badan ee miinooyinka qarxa ay qasaaraha ka geystaan, halaka Mararka qaarna ay Al-shabaab Gawaari u adeegsadaan weerarro qaraxyo ah.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Faah Faahin Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Puntland oo goor dhaw lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

May, 23, 2018
Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya degmada Gaalkacyo ayaa sheegaya in rag hubeysan goor dhaw halkaa ku ...

Wasaaradda amniga oo Faah faahin kabixisay rag maanta lagu toogtay Muqdisho

May, 23, 2018
Wasaaradda amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay laba dhalinyaro ah oo maanta ciidanka ...