Thomas Muller Oo Farta Ku Fiiqa Dulduleelada Real Madrid Ka hor Kulanka Caawa

0
21

Weeraryahanka kooxda Bayern Munich Thomas Muller ayaa aaminsan in kooxda heysata tartanka Champions League ee Real Madrid ay yihiin waqtigaan kuwo nugul.

Real Madrid ayaa u safreysa caawa dalka jarmalka lugta hore ee semi-finalka Champions League.

Kooxda Whites ayaa ku guuleysatay koobabka Yurub labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay, halka Bayer aysan hanan tartankaan tan iyo sannadkii 2013.

Dhamaan saadaasha la sameeyay dunida waxay sheegeysaa in Real Madrid ay ugu cadcadahay kulamada labada lugood, iyadoo Cristiano Ronaldo uu qaab ciyaareed fiican ku jiro.

Xiddiga reer Portugal ayaa ka dhaliyay 15 tartanka Champions League xilli ciyaareedkan, Laakiin Muller ayaa sheegay in Bayern kaliya ay tahay kooxda ka faa’iideysan karta dhibaatada Madrid.

“Waan ka warqabnaa tayada Madrid,” ayuu yiri Muller oo la hadlayay saxaafada.

“Waa inaan weerarnaa iyaga, waa inaan goolal dhalinaa, islamarkaana aan ka faa’iideysanaa daciifnimada waqtigaan ka muuqata Real.

“Waxa ay lumiyeen lugta labaad kulankii Juventus oo 3-1 looga badiyay, taasoo macnaheedu yahay inay u nugul yihiin guuldarro kale.

“Waa semi-finalka Champions League, hadii aad la ciyaareyso iyaga  waa cabsi” ayuu yiri Thomas Muller.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here