Thursday, May 24th, 2018
Advertisements
Advertisements

Trump: weerarkii saaka lagu qaaday suuriya waxa uu ahaa mid wax ku ool ah

Published on April 14, 2018 by   ·   No Comments

.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa twitter-ka ku soo qorayay ” Howgalku si caqliyaysan ayaa loo fulayay”, ka dib markii ay saaka aroornimadii hore Mareykanka, Britiain iyo Faransiiska duqeeyeen goobaha malateriga ee dalka Suuriya.

waxay beegsadeen saddex goobood oo ku yaala dimishiq iyo xomus.

Madaxweynaha ayaa sheegay in weerarrada ay ahaayeen kuwa wax ku ool ah.

Pentagon-ka ayaa weriyeyaasha u sheegay in qorshaha hubka kiimikada uu dib u dhac badan ku keenay suuriya, iyagoo sidoo kalana sheegay in howlgalka uu ahaa mid kooban oo wax ku ool ah.

Madaxweyne Donald Trump oo ka hadlaya xilliga weerarku bilowdey ayaa sheegay in la bartilmaansadey goobaha gaarka ah ee ay yaalaan hubka wata kiimikada iyada oo lagaga jawaabayo weerarkii loo isticmaalay hubka sunta watey ee lagu qaadey magaada Duuma toddobaadkii aynu soo dhaafney.

Dhanka kale madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad ayaa si kulul uga jawaabay weerarka, isagoo sheegay laga bilaabo haatan uu il gaar ah ku eegi doono cadawgiisa uuna iska celin doono. Waxaa uu intaasi ku daray in ree galbeedku sharaftooda dhimatay.

XIGASHO BBC

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Faah Faahin Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Puntland oo goor dhaw lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

May, 23, 2018
Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya degmada Gaalkacyo ayaa sheegaya in rag hubeysan goor dhaw halkaa ku ...

Wasaaradda amniga oo Faah faahin kabixisay rag maanta lagu toogtay Muqdisho

May, 23, 2018
Wasaaradda amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay laba dhalinyaro ah oo maanta ciidanka ...