Wakiilka Bartilmaameedka Barcelona Christian Eriksen Oo Saxaafada La Hadlay- Miyay Kusii Jeedaan Spain?

0
16

Wakiilka lagu magcaabo Bayram Tutum ayaa shaaca ka qaaday in Barcelona ay xiiseyneyso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Tottenham Christian Eriksen.

Si kastaba ha ahaatee, Tutumlu ayaa sheegay in ay jirto dhibaato la xiriirta sidii ciyaaryahanka uuu kaga tagi lahaa London.

Wuxuu u sheegay BT Sports: “Wuxuu iigu yeeray Christian Eriksen London bishii September, wuxuu ii sheegay inuu u baahan koox weyn.

Madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa sheegay in Christian Eriksen uu yahay ciyaaryahankii ugu weynaa xulka Denmark ka dib Michael Laudrup oo usoo ciyaaray kooxda Barcelona.

“Waxaan u sheegay Christian Eriksen in Barcelona ay daawaneyso isagao ka hor inta aysan la saxiixan Philippe Coutinho.

“Waxay ku xiran tahay ka tagistiisa London sida isaga iyo Tottenham kaga heshiiyaan xaalada la xiriirta mustaqbalkiisa.

Barcelona ayaa muddo dheer daawaneysay Christian Eriksen oo loo arko bedelka saxda ah ee Kabtan Iniesta oo aan la hubin mustaqbalkiisa kooxda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here