Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga- Harry Kane Oo Kusii Jeeda Horyaalka Spain

0
44

Harry Kane ayaa ah bartilmaameedka ugu weyn xagaaga kooxda Real Madrid ah, sida uu sheegay madaxweynihii hore kooxdan Ramon Calderon.

Kane ayaa mar kale qaab ciyaareed cajiib ah sameeyay xilli ciyaareedkan, taasoo keentay inay isha la raacdo Real Madrid.

Kane, oo ku guuleystay abaalmarinta kabta dahabka horyaalka Premier League labadii xilli ciyaareed ee u dambeyay, wuxuu dhaliyay 37 gool xilli ciyaareedkan inkastoo uu dhaawac jilibka ah muddo ku maqnaa.

Madaxweynihii hore ee Real Madrid Ramon Calderon ayaa sheegay in kooxda La Liga ka dhisan ay u dhaqaaqi doonto 24-jirkaan, inkastoo kooxdiisa ay diiday inay iska iibiso.

Madaxweyne Calderon ayaa u sheegay The Sun in Real Madrid ay ku guuleysan karto saxiixa Harry Kane.

Real Madrid ayaa isku dayday saxiixa Harry Kane suuqii Januray, inkastoo kooxidisa diiday inay iska iibiso.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here