Friday, May 25th, 2018
Advertisements
Advertisements

Wararkii ugu Danbeyay Howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo ka soconaya qeybo ka mid ah Mudug

Published on April 19, 2018 by   ·   No Comments

Wararka ka imanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed halkaa ka wadaan howlgalo ka dhanka ah Al-shabaab.

Ciidamada Xooga ayaa waxaa ay howgalada ka wadaan deegaanada Cammaaro, Bacaadweyn iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Mudug, kuwaasi oo la doonayo in guud ahaan Al-Shabaab laga saaro.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee ku sugan gobalka Mudug ayaa sheegay in howlgalada ay wadaan, islamarkaana maalmaha soo aadan Al-shabaab ay ka saari doonaan deegaanada ka tirsan gobalka Mudug oo qeybo ka mid ah oo ay maamulaan Al-shabaab.

Generaal Cabdulaahi Aadan Xuseen oo ah Taliyaha ciidamada xoogga dalka Qeybta 21-aad, oo la hadlay Warbaahinta dowlada ayaa sheegay in hadda howlgalada ay ka socda aagaga Cammaara, Bacaad weyn iyo deegaanada kale ee hoos yimaada,isagoona dhaca kale shaaca ka qaaday in xaaladda ay tahay mid degan.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Qarax Dhimasho iyo Dhaawac geystay oo ka dhacay BMagaalada Benghazi.

May, 25, 2018
Ugu yaraan 7 qof ayaa dhimatay, 25 kalane wey dhaawacmeen kadib gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu ...

Kulan looga hadlayay amniga oo ka dhacay degmada Qansax-dheere

May, 25, 2018
Guddoomiyaha degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay Aadan Cabdi Qooqane ayaa waxa uu Idaacadda hiranweyn uga waramay kulan looga ...