Friday, May 25th, 2018
Advertisements
Advertisements

Warbixin: Chelsea oo markaan si layaab leh loola xiriirinay tababare horay ugu fashilmay Liverpool.

Published on April 15, 2018 by   ·   No Comments

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa iney si layaab leh bartilmaameed uga dhigatay tababarahii hore Liverpool Branden Rodgers kaas oo natiijo xumo darteed looga ceyriyay garonka Anfield ee gobolka Merseyside.

Tababaraha Celtic ee hadda ayaa ayaa waqti afar sanadood ah ku qarash gareeyay kooxda Blues isago maamulay kooxda da’yarta waqtigii uu kooxda tababaraha u ahaa Jose Mourinho.

Rodgers wuxuu waxqabad aan caadi aheyn ku sameeyay Scotland kadib markii uu Celtic u hogaamiyay iney si guuldaro la’aan ah horyaalka ku qaado, markaan waxaa la damacsan yahay in dib loogu soo celiyo Bridge si uu badal ugu noqdo Antonio Conte.

The Express ayaa shaaca ka qaaday in Rodgers uu ku jiro liiska macalimiinta lala xiriirinayo kooxda si ay tababaraha xiga ugu doortaan, waana sheeko cajiib ah oo lasoo calaameeyay maanta.

Allegri, Simeone, Ancelotti iyo Enrique ayaa ka mid ah liiska macalimiitna lala xiriirinayo Blues.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Qarax Dhimasho iyo Dhaawac geystay oo ka dhacay BMagaalada Benghazi.

May, 25, 2018
Ugu yaraan 7 qof ayaa dhimatay, 25 kalane wey dhaawacmeen kadib gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu ...

Kulan looga hadlayay amniga oo ka dhacay degmada Qansax-dheere

May, 25, 2018
Guddoomiyaha degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay Aadan Cabdi Qooqane ayaa waxa uu Idaacadda hiranweyn uga waramay kulan looga ...