Xaqiiqooyinka Real Madrid vs Malaga- Los Blancos Oo La Ciyaareysa Kooxda La Liga Ugu Hooseysa

0
15

Zinedine Zidane wiilashiisa ayaa booqan doona kooxda ugu hooseysa horyaalka Spain maalmo yar ka dib markii Cristiano Ronaldo ka saaciday Los Blancos inay gaarto afar dhamaadka Champions League.

Kooxda ka dhisan caasimada Spain ayaa diirada saari doonta inay ku guuleysato markii seddexaad oo isku xigta tartamada Yurub xilli ciyaareedkan, laakiin waxay doonayaan inay ku dhameystaan kaalmaha sarre ee La Liga.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA:  Estadio La Rosaleda

SAACADA: 9: 45 PM

MAXAA CUSUB?

Ka dib markii laga saaray kulankii Juventus ee bartamihii Isbuucii hore, Karim Benzema ayaa weerarka Madrid kusoo laaban doona.

kooxda Zinedine Zidane ayaa sidookale dib u heli doonta Sergio Ramos ka dib markii uu ganaax ku seegay kulankii ugu dambeeyay.

Kooxda Joze Gonzalez ayaa soo dhaweyneysa Juanpi iyo Adalberto Penaranda oo kasoo kabanaya dhaawac, laakiin waxaa laga yaabaa inay maqnaadaan Diego Rolan iyo Ignasi Miquel, halka Luis Hernandez ganaax ku maqnaan doono.

XAQIIQADA KULANKA

Malaga ayaa badisay kaliya hal kulan oo kamid ah 33 kulan oo ay la ciyaareen Real Madrid horyaalka La Liga, markaasoo 3-2 ay ku badisay kooxda La Rosaleda bishii December 2012.

32 kulan oo kale Real Madrid ayaa badisay 24 kulan halka inta kale ay barbaro galeen.

Cristiano Ronaldo ayaa 17 gool dhaliyey 17 kulan oo uu la ciyaaray kooxda Malaga horyaalka La Liga.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Malaga: Jimenez; Rosales, Gonzalez, Miquel, Torres; Success, Garcia, Lacen, Iturra, Castro; En-Nesyri, Rolan.

Real Madrid: Navas, Carvajal, Ramos, Varane, Marcelo; Modric, Casemiro, Kroos; Bale, Benzema, Ronaldo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here