Friday, May 25th, 2018
Advertisements
Advertisements

Xiddig Katirsan Manchester United Oo Albaabka U Furay U Dhaqaaqista Arsenal

Published on April 15, 2018 by   ·   No Comments

Weeraryahanka Manchester United Anthony Martial ayaa albaabka u furay inuu u dhaqaaqo Arsenal haddii Tababare Jose Mourinho sii ahaado tababaraha kooxda ku ciyaaarta Old Trafford xagaaga dambe.

Sida laga soo xigtay jariiradda Faransiiska ee Le10Sport, weeraryahanka ayaa go’aansaday inuu joogo Premier League ka hor inta uusan ka fakirin qorshaha uu ugu dhaqaaqayo kooxaha ka dhisan dibadda.

Chelsea iyo Tottenham ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa Martial oo dhaliyay 36 gool 131 kulan oo uu u saftay Red Devils tan iyo markii uu yimid.

Tababare Arsene Wenger ayaa taageere weyn u ah ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka France, laakiin Manchester United ayaa caqabad ku noqon karta qorshaha heshiiskaan.

Dhinaca kale Arsene Wenger ayaa aaminsan in Danny Welbeck uu ku soo laabtay qaab ciyaareedkiisii ugu xooganaa.

Welbeck ayaa cadeeyay inuu muhiim u yahay Arsenal xilli ciyaareedka soo socda ka dib markii uu goolal muhiim ah ka dhaliyay AC Milan iyo CSKA Moscow tartanka Europe League.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Qarax Dhimasho iyo Dhaawac geystay oo ka dhacay BMagaalada Benghazi.

May, 25, 2018
Ugu yaraan 7 qof ayaa dhimatay, 25 kalane wey dhaawacmeen kadib gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu ...

Kulan looga hadlayay amniga oo ka dhacay degmada Qansax-dheere

May, 25, 2018
Guddoomiyaha degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay Aadan Cabdi Qooqane ayaa waxa uu Idaacadda hiranweyn uga waramay kulan looga ...