Amiirka Dalka Qadar: “waxaan taageereynaa midnimada iyo amniga Somaliya”

0
28

Amiirka Dowladda Qadar Sheekh Tamiim bin Xamaad Althani ayaa qoraal uu ku qoray Twitterkiisa ku sheegay in dowladda Qadar ay ka go’an tahay taageerada Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in dowladda Qadar ay taageereyso midnimada,madaxbanaanida iyo Amniga Soomaaliya islamarkaana ay dowladda Soomaaliya siineyso kaalmo joogto ah.

Hadalkan waxaa uu soo baxay kaddib kulan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Magaalada Dooxa kula yeeshay Amiirka Qadar.

Billowgii Bishan waxaa sarkaal ka tirsan Dowladda Qadar uu u sheegay Reuters in dowladdiisa ay siisay Soomaaliya lacag dhan $385Milyan oo doollar,taas oo inta badan loo adeegsaday howlaha Bani’adamnimada,Waxbarashada iyo Caafimaadka Soomaaliya.

Kulankii saddexaad ayaa dhexmaray shalay labada hoggaamiye ee Soomaaliya iyo Qadar,wax ka yar sanad,waxaana ay muujineysaa xiriirka labad dal,ayaa lagu yiri war ay qortay Wakaaladda Wararka Qadar.

Bishii la soo dhaafay waxaa istaagay howlgalkii Imaaraadka ee Muqdisho kaddib khilaaf diblomaasiyadeed oo soo kala dhexgalay labada dal,waxaana ay sababtay in dowladda Imaaraadka xirto Howlihii garkaarka Caafimaad iyo Milatariba ka joojisay Soomaaliya.

Bishii June ee sanadkii hore ayey dalalka Sucuudiga,Imaaraadka,Baxreyn iyo Masar xiriirka u jareen Soomaaliya,wixii xilligaas ka dambeeyay Qadar waxaa ay gashay go’doomin ay ku sameeyeen afarta dal,waxaana Soomaaliya ay ka mid ahayd waddamo qaatay go’aan dhex dhexaadnimo ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here