{DAAWO MUQAALKA} Maamulka Gobolka Iyo Shacabka oo Bilaaway Dhismaha Wadada Isku xirto Baladweyne Iyo Jeento Kundisho

0
13

Waxaa dib loo bilaaway dayactirka wadada laami ah oo uu daadka bur buriyay wadadaas oo  isku xirto Bartamaha magaalada iyo halka ay dadka ugu badan u barakaceen ee ceel jaale

 

Wadadan ayaa waxaa lagu dayactirayaa Qaab iskaa wax u qabso ah waxana dadkii sida mutada wacnimada uga qayb qadanayay kamid ah ganacsatada Dhalinyarada Iyo Maamulka Gobolka hiiraan

 

 

Xaaji Cabdi Mowliid oo kamid ah Gaadiidleyda Baladweyne kana qeyb qadanaayo dib u dayactirka wadada ayaa sheegay in wadada ay meelo badan ka bur burtay  islamarkana ay manta bilaabeen dayactirkeda

 

Cabdi wahaab abuukar xasan oo kamid ah Dhainyarada Gobolka hiiraan ayaa sheegay in inkabadan 200 oo dhalinyaro Mutadawaciin ah ay ka qeyb qaateen dib u dayactirka wadada ay baabi isay fatahaada Wabiga shabelle,

 

Gudoomiyaha Gobolka hiiraan Cabdulaahi Axmed Maalin sufurow oo kamid ahaa dadka ka shaqeynayay  wadada laamiga ayaa sheegay in  bur bur xoogan u gaaray,waxana uu baaq u diray shacabka Reer Baladweyne,

 

Wadadan ayaa muhiim u ah isku socodka dadka iyo Gaadiidka  Magaalada Baladweyne ee Gobolka hiiraan

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here