Wednesday, May 23rd, 2018
Advertisements
Advertisements

{DAAWO SAWIRADA} Booliska Dalka Kenya oo qabtay Dad iyo Gaari Hub uu saarnaa

Published on May 15, 2018 by   ·   No Comments

Booliska Dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay Gaari Land cruiser ah iyo saddex Qof oo lagu eedeeyay in ay wadeen Hub fara badan.

Boolisku waxaa ay sheegeen in dadkaas ay ka qabteen Waddada isku xirta Lodwar  iyo Kakuma,waxaana la soo bandhigay Hub iyo Rasaas fara badan oo ay wateen.

Dadka la qabtay waxaa ay kala yihiin 2 Rag iyo Haweeney,walina Booliskua ma faah faahin waxa laga yeelayo dadkaas iyaga oo hadda ku jira Xabsi.

Saraakiisha Gobolka Turkana,ayaa sheegaya in falalka amni darrada la xiriira ay ku bateen Gobolka islamarkaana ay waayadaan la kulmayeen dhacdooyin liddi ku ah amniga.

Booliska Kenya ma sheegin dadkan in ay xiriir la leeyihiin AL-shabaab ama Daacish,waxaana ay sheegeen kaliya in baaritaan lagu sameynayo.

Saraakiisha amaanka qaar ayaa sheegaya in Hubka Gaariga saaran uu yahay 6 Qori oo AK47 ah,Rasaas iyo agab kale,kuwaas oo aanilaa hadda la sheegin halka loo waday.

Madaxda Boolisku qaarkood waxaa ay sheegeen in ay tuhmayaan in Hubkan loo waday Waddamada Itoobiya,Suudaanta Koofureed ama Uganda si jabhadaha ka dagaallama loogu gacan geliyo.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DHAGEYSO} Warka duhurnimo Ee Idaacada Hiiraanweyn Xarunteda Magaalada B/weyne

May, 23, 2018
Dhageysatayaasha  sharafta leh ee  Radio Hiranweyn ee Magaalada Baladweyne ee ku xiran Webkeena Www.Hiiraanweyn.net ama Hiranweyn.com Waxaan idin soo gudbineyna Warka ...

{DAAWO MUQAALKA} Maamulka Gobolka Iyo Shacabka oo Bilaaway Dhismaha Wadada Isku xirto Baladweyne Iyo Jeento Kundisho

May, 23, 2018
Waxaa dib loo bilaaway dayactirka wadada laami ah oo uu daadka bur buriyay wadadaas oo  isku xirto Bartamaha ...